Madaxweynaha Somaliland oo khudbad dheer oo dhinacyo kala duwan taabanaysa ka jeediyay Baarlamaanka

Isniin, 07 February 2011 (HOL)- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa markii u horraysay tan iyo intii la doortay khudbad dheer horjeediyay fadhi ay maanta wada-jir u yeesheen labada Gole Baarlamaan ee Somaliland.

 

Khudbadda Siilaanyo oo dheerayd, ayaa nuxurkeedu ku koobnaa saddex qodob oo waawayn, kuwaas oo kala ah; duruufaha ay xukuumad ahaan dhaxleen, waxqabadka xukuumadda cusub iyo sidoo kale qorshe-sanadeedkooda.

 

Axmed-Siilaanyo oo intii uu khudbaddaa waday ka hadlay arrimo kala duwan oo la xidhiidha dhinacyada, dhaqaalaha, arrimaha bulshada, dawlad-wanaagga, waxygelinta iyo isgaadhsiinta, nabadgelyada, arrimaha dibedda iyo sidoo kale arrimaha siyaasadda gudaha, ayaa sheegay in xukuumaddoodu ay la kulantay caqabado badan oo ay ka mid tahay Khasnadda dawladda oo madhan iyo daymo badan oo xukuumadda lagu lahaa, taas oo uu sheegay inay bixiyeen. Waxa kale oo uu caqabadaas ku sheegay inay ka mid tahay Warbaahinta dawladda, gaar ahaan Idaacadda Radio Hargeisa oo aan Hargeisa dhaafin.

 

Axmed-Siilaanyo waxa kale oo uu ka hadlay arrinta Deegaanka Kalshaale ee u dhaxaysay labada Beelood ee bariga Burco iyo Deegaanka Buuhoodle. “Markii arrintaasi dhacday, dawlad ahaan waxaanu qaadanay tallaabadii ku habboonayd, isla markiiba waxaanu dhex dhignay cutubyo ka tirsan Ciidanka Qaranka, si ay u kala caabbiyaan malleeshiyaadka labada beelood, nabaddana u suga.  Isla markiiba waxaanu u dirnay guddi dhexdhexaadineed oo ka kooban Xukuumadda, Golayaasha, XIsbiyada, madax-dhaqameedyo iyo culimada. Si nabad looga dhaliyo, waxaanu ka soo saarnay goáan caddaynaya inay goobtaasi tahay dhul-daaqsimeed, Ciidanka Qaranku fadhiisin ku yeelanayo,” ayuu yidhi Madaxweynuhu, waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “Haddaba, si aan arrintaa mugdiga uga saaro, Lacagtii iyo hantidii gashay Berkadihii halkaa ka qodnaa, waxaanu bixinay toddobaadkan, Ciidamada Qarankana waxaanu amar ku siinayaa inay aasaan.”

 

Mar uu waxqabadkooda ka hadlayay, wuxuu sheegay in muddo shan bilood ah oo ay xilka hayeen ay bixiyeen dhammaan Mushaharkii shaqaalaha dawladda iyo Ciidamada. Waxaanu waxqabadyadooda ku sheegay in ay ka mid tahay midaynta Warbaahinta dawladda, waxbarasho bilaash ah oo ay u direen 171 arday iyo arimo kale oo tiro badan, isla markaana ay kordhiyeen Mushaharka Ciidamada iyo Shaqaalaha dawladda.

 

Madaxweyne Siilaanyo wuxuu sheegay inay qorshaha wax ka qaban doonaan dhinacyada arrimaha bulshada, amniga, xidhiidhka caalamiga ah iyo Isgaadhsiinta. Waxa kale oo uu ballan-qaaday in xukuumaddiisu ilaalin doonto xornimada hadalka iyo madax-banaanida warbaahinta xorta ah. Waxa kale oo uu Culimada dalka ugu baaqay in laga hortego in la marin-habaabiyo daýarta.

 

 

Barkhad M. Kaariye   Hiiraan Online

[email protected]

Hargeisa, Somaliland.