Ururka Islaamka oo caalamka ugu baaqay in gargaar deg-deg ah loo fidiyo dadka ku dhibaageysan Soomaaliya

Isniin, 07 Feberaayo, 2011 (HOL) – Ururka Islaamka ayaa ugu baaqay beesha caalamka iyo hay'adaha deeqaha bixiya inay gargaar bani'aadamnimo oo deg-deg ah la gaaraan dad ka badan 2-milyan oo qof oo ay sheegeen inay gudaha Soomaaliya ku hayso cunno la'aan iyo harraad.

"Waxaan ugu talogalnay inaan shacabka Soomaaliyeed ku gargaano lacag ku dhow 3-milyan oo Dollar, taasoo loogu iibinayo raashin, dawo iyo biyo ay dadku cabaan," ayaa lagu yiri warbixin uu soo saaray ururka Islaamka.

Qarammada Midoobay ayaa iyaduna dhawaan sheegtay inaysan awood u lahayn inay gargaarka ay u baahan yihiin garsiiso dadka ku dhibaateysan gudaha dalka Soomaaliya, iyadoo taas sabab uga dhigtay inaysan hay'adahoodu tegi karin goobahaas.

Gobollada dalka Soomaaliya, ayaa waxaa ku dhuftay abaaro sababay inay dadka ka dhammaadaan xoolihii, iyaguna ay qarka u saaran yihiin inay u dhintaan saameynta ay abaarutu ku reebtay, gaar ahaan cunno la'aan, nafaqodarro iyo biyo la'aan.

Dowladda Soomaaliya, Xarrakatul Shabaab iyo Ahlusunna Waljamaaca oo ah maamullo ka jira dalka Soomaaliya ayaa waxay magacaabeen guddiyo caawiya dadka ay abaaruhu ku saameeyeen deegaannada ay ka taliyaan.

Waxaa jirtay xilliyadii ugu dambeeyay qaylo-dhaan caalamka ka imaanaysay, taasoo ku saabsan in gargaar la siiyo dadka ku dhibaateysan gudaha dalka Soomaaliya, inkastoo aysan weli jirin goob la gaarsiiyay gargaar caalamka ka yimid.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya