Culimaa’udiinka Puntland oo ku baaqay in si deg-deg ah loo xaliyo colaadaha deegaanka Kalshaale ka taagan

Axad, 06 Feberaayo, 2011 (HOL) – Shirkan oo ay ka qayb galeen qaar ka mid Culimaa’udiinka ugu caansan Puntland ayaa ka dhacay magaalada Garowe ee caasimada Puntland,waxaana lagu soo hadal qaaday dagaaladdii ka dhacay degmada Kalshaale ee gobolka Cayn.

"Waxaan aad uga xunahay dagaaladaasi oo aan u aragno ,kuwo dhibaato ku ah umadda halkaa degan, mana haboona in dhiig qof islaam ah la daadiyo" ayuu yiri Sheekh C/qaadir Nuur Faarax oo shirka ka dib warbaahinta la hadlay.

Sheikh Cabdulqaadir Nuur Faarax  ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in aan laga qayb qaadan colaadaha ka jira kalshaale oo la aaminsanyahay in ay sababeen khasaarooyin isugu jira dhimaasho iyo dhaawac.

"Culumadu waxa ay ku baaqaysa in sida uga wanaagsan loo hakiyo colaado halkaa ka sii jira ,sababtoo ah waxaa aad xun dhibaatada ka dhalan karta arimahaas"ayuu hadalkiisa ku daray Sheekha oo ka mid ahaa Culimaa’udiinkii shirkaasi ka qayb galay.

Sheekh C/qaadir ayaa sheegay in dagaalada noocaan oo kale ah ay ka dhashaan masiibooyin aad u daran sida abaaro daba dheeraada,waxaan uu xusay in ay muhiim sidii qof walba uu uga qayb qaadan lahaa daminteeda.

Madaxda Puntland ayaa maalmo ka hor maamulka Somaliland ku eedeeyay masuuliyada khasaarihii ka dhacay dagaalkii Kalshaale oo ay dad badan ku waxyeeloobeen.

Ugu danbayntii ma ahan baaqii ugu horeeyay oo lagu doonayo in lagu dajiyo colaadda Kalshaale, waxaana iminka muuqata in dadka qaar ee degmada Kalshaale ay aad uga soo horjeedaan dagaalo halkaa ka sii socda.

Faisel Maxamed Hassan, Hiiraan Online
[email protected]
Bosaaso,Soomaaliya