Isniin, 07 Feberaayo, 2011 (HOL) – Xildhibaanno baarlamaanka ka tirsan oo kulan ku yeeshay xaruntooda Muqdisho Axaddii shalay ayaa sheegay inay dacwad dacwad mooshin ah ka gudbin doonaan ergayga xoghayaha ee Qarrammada Midoobay uga wakiilka ah arrimaha Soomaaliya danjire Augusitine Mahiga, kaasoo ay u jeediyeen eedeyn ku saabsan inuu faragelin ku hayo arrimaha dalka Soomaaliya.
"Dhammaan xildhibaannadu waxay isku raacsan yihiin in mooshin dacwad ah laga gudbiyo danjire Mahiga," ayuu yiri xildhibaan Cabdalla Boos Axmed oo saxaafadda la hadlay markii uu soo idlaaday kulankii ay yeesheen.
C/lla Boos ayaa sheegay in dajire Mahiga ay ku eedeynayaan inuu ka horyimid xilli kordhin sharci ah oo uu baarlamaanku sameystay, taasoo uu ku macneeyay inay tahay mid uu kaga soo horjeedo go'aannada gaarka ah ee ay qaadanayaan xubnaha baarlamaanka.
"Xildhibaannadu xaq ayay u leeyihiin inay kororsadaan muddada ay shaqeynayaan, waayo howsha ay hayaan waa howl ay dalkooda u hayaan," ayuu yiri mudane Boos, oo sheegay in go'aankii ay gaareen uu ahaa mid sharciga dalka waafaqsan.
Mudanayaasha kulankan yeeshay ayaa waxay sidoo kale ku eedeeyeen beesha caalamka inay mas'uul ka tahay qalalaasaha sii socda ee Soomaaliya ka taagan, iyagoo ku baaqay in arrimaha Soomaaliya faraha lagala baxo.
Ugu dambeyn, mudanayaashu waxay sheegeen inaysan go'aankooda ka laabanayn xitaa haddii beesha calaamku ay goosato mushaarooyinka ay siiso, waxayna xuseen in go'aankoodan uu yahay mid ay ugu adeegayaan dalkooda iyo dadkooda.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya