Isniin, 07 Feberaayo, 2011 (HOL) – Xildhibaannada baarlamaanka ee kasoo jeeda Puntland oo ka jawaabayay hadalkii maamulka Puntland uu ku cambaareeyay go’aankii baarlamaanka uu ku kororsaday xilligiisa shaqo, ayaa sheegay in Puntland aysan awood u lahayn inay ka hadasho arrimaha dowladda Soomaaliya.
“Cambaareynta Puntland ee ku saabsanayd kororsiga baarlamaanka waa mid laga xumaado, xaqna uma lahan inay ka hadasho arrimaha dowladda Soomaaliya, maadaama ay horay u sheegtay inay kalsoonidii kala laabtayay,” ayuu yiri xildhibaan C/fitaax Rashiid oo ka mid ah xubnaha baarlamaanka ee kasoo jeeda Puntland.
Mudane Rashiid wuxuu sheegay inxildhibaannada baarlamaanku ay xaq u leeyihiin inay kororsadaan xilligooda shaqo, ciddii ka hadashana ay u arkayaan inay tahay cid aan doonayn madaxbannaanida iyo sharafta dalka Soomaaliya iyo mas’uuliyiintooda.
Puntland oo ka mid ah maamullada ka jira Soomaaliya oo aan weli ku dhawaaqin inay ka go’day Soomaaliya inteeda kale, ayaa maalin ka hor waxay soo saartay qoraal ay ku cambaareynayso muddada saddexda sano ah ee xildhibaannada baarlamaanku ay u codeeyeen inay ku darsadeen waqtigooda shaqo.
“Waxaan uga baahannahay Puntland inay caddeysto mowqifkeeda, yeelatana meel loo raaco, taasoo ku aaddan inay weli ka mid tahay dowladda Soomaaliya iyo inay ka baxday,” ayuu yiri xildhibaan Rashiid, isagoo intaas ku daray in dowladda Soomaaliya aysan wadahadallo la furayn Puntland inta ay mowqifkeeda ka caddeynayso.
Hadalka mudanahan ayaa imaanaya iyadoo toddobaadkii hore ay xildhibaannada baarlamaanku saddex sano ku darsadeen xilliga ay shaqeynayaan, taasoo caalamka intiisa badan uu diidmo ka keenay, balse ay xildhibaannadu ku adkeysanayaan in arrintaas ay tahay mid sharciga waafaqsan.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya