NUSOJ oo walaac ka muujisay Dagaallada Muqdisho ka socda iyo saameynta ay ku leeyihiin Suxufiyiinta

Sabti, February 26, 2011(HOL): Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ ayaa si weyn uga walaacsan yahay dagaallada iyo colaadaha dib uga soo cusboonaaday caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.
 
“NUSOJ waxay dagaalladaasi u aragtaa kuwo ay dhibaatad ugu weyni ka soo gaarayso shacabka tabarta daran ee awoodi kari waayay inay Muqdisho ka baxaan, kuwaasoo lagu dul dagaalamayo. Walaaca ugu weyn waxay NUSOJ ka muujinaysaa dhibaatada dagaalladaasi ka soo gaaraysa Saxafiyiinta Muqdisho ka howlgasha oo xaalad adag ku shaqeynaya, kuwaasoo dhexda uga jira dhinacyada dagaallamaya oo ay kala kulmaan cadaadis ah in dhinac waliba ah oo uu ugu weyn yahay in dhinac kasta  uu saxafiyiinta ka doonayo inuu isaga si gaar ah ula shaqeeyo ama u buunbuuniyo wararkooda iyo warbixinnadooda ku salaysan rabitaankooda gaarka ah” ayuu yiri Xoghayaha Guud ee NUSOJ Cumar Faaruuq Cusmaan oo warsaxaafadeed ka soo saaray walaacaas.

Xoghayaha Guud ee NUSOJ Cumar Faaruuq Cusmaan waxaa uu intaas ku daray in ay si weyn u cambaareynayaan cid kasta oo ku xadgudubta wariyayaasha shaqadooda gudanaya, isla markaana dhibaatooyin u geysata, “dhinacyada isku haya dhibaatada Soomaaliya waxaan ugu baaqeynaa in ay dhowraan xoriyadda Saxaafadda, ayna ula dhaqmaan si xormo ku jirto”ayuu mar kale yiri Cumar Faaruuq Cusmaan.

Xafiiska Wararka Hiiraan Online