Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo cafis u fidiyay nin u dhashay Jarmalka oo u xidhnaa falal dhaqan-xumo

Sabti, Feberaayo 26, 2011 (HOL) Xukuumadda Somaliland ayaa sii-daysay Nin u dhashay dalka Jarmalka oo loo xukumay falal ka dhan ah dhaqanka iyo Diinta Islaamka, taas oo hore loo sheegay inay Maxkamadda kaga hor caddaadeen.

Wasiirka Caddaaladda Somaliland Ismaaciil Muumin Aare ayaa sheegay in ninkan la sii daayay Khamiistii dorraad, ka dib markii uu cafis u fidiyay Madaxweyne Siilaanyo. Wasiirku wuxuu intaa ku daray in sii-daynta ninkani ay ka dambaysay ka dib markii Wefti ka kooban 16 Safiir oo dalalka Caalamka ka kala socda oo toddobaadkii dhammaaday socdaal ku yimi Somaliland ay ka dalbadeen Madaxweynaha in la sii daayo Bischoss Guntar oo u dhashay dalka Jarmalka, una xidhnaa in uu macaamil dhinaca Jinsiga ah la sameeyay Hablo Soomaali ah.

Maxkamadda Gobolka Hargeisa ayaa 13 January 2011 ayay ninkan ku xukuntay afar sannadood oo xadhig ah iyo 10,000 oo Dollar iyo in la masaafuriyo marka uu xukunka dhammaysto, halka ay gabadh Soomaali ah oo falalkan kula eedaysnaydna lagu xukumay hal sanno oo xadhig ah iyo 5-Milyan oo Shilinka Somaliland ah.

Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.