Guddiga Gurmadka Abaaraha DKMG ah oo sheegay in howshooda ay hakad geliyeen ciidamada dowladda

Sabti, Feberaayo 26, 2011 (HOL) Guddiga gurmadka abaaraha ee DKMG ah ee Soomaaliya ayaa maanta sheegay in ciidamo ka tirsan dowladda ay hakad geliyeen howl samofal ah oo ay ka wadeen degmada Xamarweyn ee gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha guddigan mudane Ibraahim Nuur Xabeeb oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay inay joojiyeen howl ay maanta ku kaalmeynayeen 3,000-qof oo ay dhibaatooyin dhinaca nolosha ah ku haystaan degmooyinka ay DKMG ah kaga sugan tahay magaalada Muqdisho.

"Maalmihii lasoo dhaafay waxaan qaybinaynay karar dadka ku jira kaamamka lagu diiwaan-gelinayo, si aan u siinno gargaar uu qoys walba ku noolaan karo muddo laba casho ah, balse waxaa howsha oo maanta billow ahayd is-hortaagay ciidamo ka tirsan dowladda," ayuu yiri mudane Xabeeb Nuur.

Sidoo kale, guddoomiyaha guddiga wuxuu sheegay in arrintaan ay tahay mid ay aad uga xumaadeen, ayna ka codsanayaan madaxda ciidamada DKMG ah inay ka shaqeeyaan sidii falalkaan oo kale aysan u dhicin.

"Waxaan maanta gargaar siinnay 600-qoys, waxaana howsha hakad geliyay ciidamo goobta soo gaaray, waxaana howsheenna dib u dhigay illaa berri kaddib markii aan ka baqnay in dadka gargaarka qaadanayay la rasaaseeyo," ayuu yiri guddooiyaha guddiga abaaraha DKMG ah.

Guddigan ayay noqonaysaa markii ugu horreeyay oo uu gargaar u qaybiyo qoysas ku dhibaateysan degmooyinka ay dowladdu ka maamusho Muqdisho tan iyo markii la dhisay, waxaana mucaawinada ay bixinayaan dhawaan ku wareejisay wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya