Sabti, Feberaayo 26, 2011 (HOL) – Degmada Mandheera ee gobolka waqooyi-bari ee dalka Kenya ayaa qoysaskii ku noolaa waxay bilaabeen inay ka qaxaan, kaddib markii ay saameyn ku yeesheen dagaallada degmada Baladxaawo ku dhexmaraya ciidamada DKMG ah oo kaashanaya ciidammo Itoobiyaan ah iyo Xarrakatul Shabaab.
"Xaafadaha ku dhow xududda waa laga qaxay, waayo madaafiic iyo rasaas khasaare nafeed geystay ayaa kusoo dhacay, guryo badanna waa gubteen, " ayuu yiri wadaad ka mid ah culummada degmada Mandheera oo saxaafadda la hadlay.
Degmada Mandheera ee dalka Kenya oo ku dhow xuduudda ay wadaagaan dalalka Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxaa ku dhacay madaafiic dhowr ah, iyadoo sidoo kale ay rasaas ka gudubtay Baladxaawo dhaawacyo u geysteen ciidamo ka mid ah kuwa ilaalada xuduudda dalkaas.
Saxaafadda dalka Kenya ayaa soo werinaysa in haweeney ay ku dhimatay rasaas wiifto ah oo degmadaas gaartay iyadoo dad ka badan tobaneeyo qof oo kalena ay gaasiisay rasaastu dhaawacyo kala duwan.
"Dhowr madfac oo kasoo gudbay xuduudda ayaa kusoo dhacay degmada, waxaana goobaha ay ku dhaceen ka mid ah xarunta hay'adda bisha cas ee Kenya, waxaana ku sugnaa xilligaas lix shaqaalaheenna ka mid ah, balse wax khasaare ah oo gaaray ma jirto," ayuu yiri guddoomiyaha hay'adda bisha cas ee Kenya Cabbaas Guuleed oo la hadlay saxaafadda Kenya.
Guuleed wuxuu sheegay in qofka dhintay ay ahayd haweeney ina ka badan 10-qof oo dhaawacyo halis ah ay gaareenna lagu daweynayo isbitaalka weyn ee degmada Mandheera.
Hay'adda UNCHR ayaa iyaduna sheegtay in u dhawaad 300-qof oo Soomalai ah ay kasoo tallaabeen xadka maalmihii lasoo dhaafay, kuwaasoo ka cararaya dagaallada ka socda degmada Baladxaawo.
"Wararka aan helayno waxay sheegayaan in rasaas kasoo gudbtay Soomaaliya ay ku dhaawacday magaalada Mandheera ee dalka Kenya dhowr qof oo shacab ah, dadkaas dhaawacmay waxaa ku jira haween iyo caruur," ayaa lagu yiri warbixin ay UNCHR soo saartay.
Goobjoogayaal ku sugan degmada Mandheera ayaa iyaguna saxaafadda u sheegay inay arkeen ciidammo Itoobiyaan ah oo dagaallada ka socda degmada Baladxaawo ka qaybqaadanaya, kuwaasoo madaafiic culus degmadaas ku garaacaya.
Sidoo kale, waxaa jira warar sheegaya in ciidammo lagu tababaray dalka Kenya oo taabacsan dowladda Soomaaliya ay xukuumadda Kenya qorsheynayso inay kasoo tallaabiso xadka xigta degmada Mandheera si ay dagaallada uga qaybqaataan.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya