Sabti, Feberaayo 26, 2011 (HOL) – Magaalada Muqdisho ayaa daggan maanta markii loo eego maalmihii lasoo dhaafay oo ay dagaallo culus ka dhacayeen, waxaase goobihii lagu dagaaalamay laga maqlayaa madafiic iyo rasaas goos-goos ah oo ay dhinacyada iska-soo-horjeeda is-dhaafsanayaan.
Goobihii ay dagaalladu ka socdeen dhowrkii casho ee lasoo dhaafay ayaa waxaa ka socda dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ay labada dhinac wadaan, iyadoo ciidamada DKMG ah iyo kuwa AMISOM ay ku qulqulayaan jidka washadaha gaar ahaan goobihii ay dagaalladu ka socdeen.
Sidoo kale, ciidammo taabacsan Xarrakatul Shabaab oo wata gaadiid dagaal ayaa iyaguna kasoo tallaabay dhinaca deegaannada loo barkacay kuwaasoo ku wajahan goobaha ay dagaalladu ka socdaan.
Dagaallo shalay ku dhexmaray qaybo ka tirsan Muqdisho ciidamada DKMG iyo oo kaashanaya AMISOM iyo Xarrakatul Shababa ayaa sababay dhimashada ugu yaraan 20-qof oo ay ku jiraan ciidamadi dagaalamayay iyadoo ay ku dhaawacmeen 50-qof oo shacab u badan.
Madaafiic ay is-dhaafsanayaan xoogagga Xarrakatul Shabaab iyo kuwa DKMG ah oo gacan ka helaya AMISOM ayaa ka socda degmooyinka lagu dagaalamay, iyadoo laga baqdin qabo inay dagaallo kale ka dhex qaraxaan.
Suuq weyn ee Bakaaraha oo midka ugu weyn uguna mashquulka badan Muqdisho ayaa xiran maalintii afaraad, iyadoo maanta ay ganacsatada qaarkood sheegeen inay aadayaan si ay xaaladda suuqaas wax badan uga ogaadaan.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya