Sabti, Feberaayo 26, 2011 (HOL) – Wararka laga helayo degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in madaafiic culus ay degmadaas ku garaacayaan ciidammo Itoobiyaan ah oo kasoo tallaabay xuduudda ay wadaagaan Soomaaliya iyo Itoobiyaan, kuwaasoo taageeraya dowladda KMG ah.
"Magaalada waxaa maanta kusoo dhacaya madaafiic culus oo ka imaanaya dhinaca xuduudda dalka Itoobiya, qaybo ka mid guryaha degmadana way gubanayaan," ayuu yiri goobjooge ku sugan degmada Baladxaawo.
Goobjoogahan wuxuu sheegay in degmada oo dhan laga qaxay ayna gacan ugu jirto weli xoogagga Xarrakatul Shabaab oo afhayeennadoodu ay shalay sheegeen inay kaga adkaadeen ciidamada dowladda Soomaaliya iyo ciidammo Itoobiyaan ah oo weerar kusoo qaaday degmadaas.
Degmada Baladxaawo ayaa daris la ah xuduudaha ay Soomaaliya la wadaagto Kenya iyo Itoobiya, iyadoo ay afartii maalmood ee ugu dambeeyay ay gacan ku haynteeda ku loolamayeen dowladda KMG ah oo kaashanaysa ciidamo Itoobiyaan ah iyo xoogag ka tirsan Ahlusunna Waljamaaca iyo Xarrakatul Shabaab oo dhinaca kale kasoo jeedda.
Waaliga degmada Balad-xaawo ee gobolka Gedo Sheekh Bishaar Aadan oo dorraad ka hadlayay goob lagu soo bandhigay ciidamo ku dhintay dagaal degmadaas ku dhexmaray Xarrakatul Shabaab iyo DKMG ah ayaa sheegay in maydadka ay uu ku jiro sarkaal Itoobiya ah oo dagaalka hoggaaminayay.
Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Maxamed (Farmaajo) oo wax laga weydiiyay in ciidamadooda ay taageerayaan kuwo Itoobiyaan ah ayaa taas iska diiday isagoo sheegay in ciidamadooda oo keliya ay dagaalamayaan.
Inkastoo aysan jirin dagaallo toos ah oo saakay ka dhacaya degmada Baladxaawo ayaa haddana la sheegayaa in madaafiic badan ay ku dhacayso, iyadoo Al-Shabaab ay iyaguna madaafiic la beegsanayaan goobaha ay madaafiicdu kaga imaayso.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya