Sabti, Feberaayo 26, 2011 (HOL) – Xoghayaha guud ee Qarammada Midoobay Ban Ki-Moon ayaa sheegay inuu walaac xooggan ka qabo dagaallada Soomaaliya ka socda iyo khasaaraha kasoo gaaraysa dadka shacabka ah, sidaa waxaa saxaafadda u sheegay Jimcihii shalay Martin Nesirky oo ah afhayeenka Ban Ki-Moon.
"Xoghayaha guud waxaa soo gaaray wararka ku saabsan dagaallada ka socda Soomaaliya," ayuu wariyeyaasha u sheegay Nesirky, isagoo intaas ku daray "Wuxuu cambaareynayay dagaalka oo ay khasaare badan kasoo gaarayaan shacabka, wuxuuna tacsi u diray qoysaskii ay ehelladooda ku dhinteen dagaalka, kuwaasoo ay ku jiraan qoysaska ay kasoo jeedaan askarta DKMG ah iyo kuwa AMISOM ee dagaallada lagu dilay."
Ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaashanaya ciidamo ay ka mid yihiin AMISOM ayaa dagaallo xooggan kula gashay qaybo ka mid ah dalka Soomaaliya xoogagga Xarrakatul Shabaab oo kasoo horjeeda jiritaankeeda, iyadoo dad badan oo shacab ah ay waxyeello kasoo gaartay dagaalladaas.
Ban Ki-Moon wuxuu sheegay in Qarammada Midobay ay sii wadayso taageerada ay siiso dowladda Soomaaliya iyo ciidamada AMISOM ee ka socda Midowga Afrika, kuwaasoo uu sheegay inay dowladda KMG ah kala shaqeynayaan soo celinta ammaanka iyo daganaashaha Soomaaliya.
"Xoghayaha guud wuxuu u rajeynayaa hoggaanka dowladda Soomaaliya inay xilliga adag ee dalka uu ku jiro ay howshooda sii-wadaan inta laga gaarayo hannaan u horseedi kara dalka nabad iyo horumar, innaguna waxaan sii-wadaynaa taageerada dhiirrigelinta ah ee aan siinno," ayuu yiri afhayeenku wariyeyaasha ugu sheegay New York.
Dowladda KMG ah ee Soomaaliya oo la dhisay sannadkii 2004 iyo ciidamada AMISOM ee ka socda Midowga Afrika ayaa waxay muddo dheer ku taamayeen sidii ay ula wareegi lahaayeen goobaha ay ka taliso Xarrakatul Shabaab, iyadoo Afhayeenka Ki-Moon uu sheegay in xoghayaha guud uu u rajeynayo DKMG ah inay ammaanka soo celiso.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya