Jimco, February 26, 2011(HOL): Xiriirka soomaaliyeed ee Kubada Koleyga ayaa la dul dhigay Ganaax lacageed oo gaareysa illaa iyo 3,000 Doolarka mareykanka, kadib markii ay ka baaqsadeen Kulan ciyaareedkii Kubada Koleyga ee Bariga iyo Bartamaha Africa oo ka dhacay Ruwanda.
War ka soo baxay Xafiiska FIBA AFRICA oo ah heya'dda ugu sareesa kubaada Koleyga Afrika ayaa lagu shaaciyay in Xiriirka Kubada Koleyga Soomaaliyeed marka uu ka soo bixi waayay Waajibaadkii loogu fadhiyay ee ahaa ka qeyb galka tartamada Afrika ee Zone V. la dul dhigay ganaax lacageed.
FIBA AFRICA iyadoo Cuskaneesa Art 37 Qodobka 2(a). Ayaa waxa ay Xiriirka Kubada Koleyga Soomaaliyeed ka mamnuucday ka qeybgalka tartamada taasi oo sabab u noqotay ka baaqashadii 2011 Zone V Fiba Africa Nations Cup/All Africa Games Qualification tournament. kaasi oo ka dhacay Rwanda.
Xiriirka Kubada Koleyga Soomaaliyeed ayaa loogu deeqay lacag gaareesa illaa iyo 40.000 oo doolar taasi oo la filaayay in ay ugu qeyb galaan tartankaasi Kubada koleyga balse is qab qabsi dhex maray Xiriirka kuabda Koleyga iyo madaxda GOS oo ku aadan maamulida lacagtaasi ayaa waxa ay GOS amar ku bixisay in la kansalo lacagtaasi iyo ka qeyb galka tartanka.
Khilaafka Xiriirka Kubada Koleyga iyo GOS oo Maalmihii ugu danbeeyay ahaa mid cirka isku shareeray ayaa warar hoose waxa ay sheegayaan in khilaafkaasi uu gaaray Xafiisyada FIBA AFRICA iyadoona ay socdaan go,aano laga qaadan lahaa Xiriirka Kubada Koleyga, Inkastoo ka baaqashada kulankaasi ganaaxa u sababay loo sababeeyay GOS.
Dhawaan ayay aheyd markii Xoghayaha Xiriirka Kubada Koleyga Soomaaliyeed Eng. Baana Ali iyo Macalimiinta Qaranka Kubada Koleyga ay Aftiimiyeen Halka uu salka ku hayo khilaafka XKK iyo GOS, iyadoona dad badan is weydiinayaan sida ay Macquulka u noqon karto in ay Xiriirka Kubada Koleyga ka dabaashaan ganaaxaan la dul dhigay, oo ay GOS ku qotonto.
Salah Hassan Omer {Salah Dheere}
Amsterdam - Holland.
[email protected]