Xarrakatul Shabaab oo ka hadashay dagaallo maanta ka dhacay Muqdisho iyo degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo

Jimco, 25 Feberaayo, 2011 (HOL) – Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin ayaa ka hadashay dagaallo ay maanta DKMG ah iyo AMISOM kula gashay magaalada Muqdisho iyo degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo, iyagoo sheegay inay dagaalladaas guulo ka gaareen ayna iska difaaceen weerarro lagu soo qaaday.

 

Afhayeenka ciidamada ee Xarrakatul Shabaab, Sheekh C/casiis Abuu-Muscab oo saxaafadda kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay in dagaalladii ka dhacay magaalada Muqdisho iyo degmada Baladxaawo ay ahaayeen weeraro lagu soo qaaday ayna kaga guuleysteen kuwii soo weeraray.


“Maanta waxaa weerar kasoo qaaday madaxtooyada ciidamada DKMG ah iyo kuwa AMISOM, waana iska caabinnay, waxayna dib ugu laabteen halkii ay kasoo duuleen,” ayuu yiri Sh. Abuu-Muscab oo intaas ku daray in dagaalka ay ku dileen dhowr askari oo ka tirsan ciidanka DKMG.

 

Saraakiisha dowladda Soomaaliya ayaa sheegay saakay inay ciidamadoodu gaareen jidka dheer ee wadnaha, iyadoo goobjoogayaal ku sugan degmda Wardhiigley ay HOL u sheegeen in dib loo caabiyay ciidanka dowladda ayna ka dagaalamayaan wadooyin ku dhow jidka wadnaha.

 

Sidoo kale, afhayeenka Xarrakatul Shabaab Sheekh C/casiis Abuu-Muscab ayaa ka hadlay dagaal maanta mar kale ku dhexmaray degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo xoogagooda iyo kuwa dowladda KMG ah oo kaashanaya Ahlusuna, isagoo sheegay in dagaalkaas ay ku jabiyeen ciidankii soo weerarka ahaa.

 

“Mujaahidiintu waxay sidoo kale maanta ku guuleysteen inay iska caabiyaan weeraro ay kusoo qaadeen degmada Baladxaawo ciidamo taabacsan DKMG ah iyo Ahlusuna oo ay wehliyeen kuwo Itoobiyaan ah, waxaana dib ugu celinay halkii ay kasoo duuleen, degmadana waxaa gacanta ku haya xoogaggeenna” ayuu yiri Sheekh Abuu-Muscab.

 

Balse, xildhibaan Maxamuud Sayid Aadan oo ka mid ah saraakiisha hoggaaminaya ciidamada DKMG ah ee ka dagaalamaya degmada Baladxaawo oo saxaafadaa kula hadlay taleeoonka ayaa sheegtay inay qayb ka mid ah degmadaas gacanta ku hayaan, kaddib markii ay Al-shabaab la galeen dagaal socday lix saacadood oo xiriir ah.

 

Goobjoogayaal ku sugan degmadaas oo ay la xiriirtay HOL ayaa sheegaya in maamulka degmada ay weli gacanta ugu jirto Xarrakatul Shabaab, ayna ku dhacayaan madaafiic la sheegay inay ciidammo Itoobiyaan ah ka tuurayaan hareeraha degmada.


Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya