Afhayeenka Xarakada Alshabaab oo Shacabka ku dhaqan Kismaayo u sheegay in ay ka qeyb qaataan Dagaallada Muqdisho

Jimco, February 25, 2011(HOL): Afhayeenka xarakada Alshabaab Sheekh Cali Max’uud Raage (Sheekh Cali Dheere) ayaa ugu baaqay shacabka ku dhaqan degmada Kismaayo in ay ka qeybqaataan dagaalada ka socda magaalada caasimadda ah ee muqdisho ee u dhexeeya xarakada Alshabaab iyo Dowladda KMG ah ee Soomaaliy oo garaba ka heleysa ururka Ahlusunna iyo xoogaga AMISOM.

Isagoo shacabka reer Kismaayo kala hadlayay idaacad Maxali ah oo ku hadasha afka xarakada Al shabbab kana howl gasho gudaha magaalada Kismaayo,Sheeq Cali Dheere,ayaa waxa uu sheegay in shacabka ku dhaqan magaalada Kismaayo ay gun dhig u yihiin dagalaada ka soconayo gudaha dalka Soomaaliya isagoona intaasi ku daray in shacabka Kismaayo in badan looga bartay ka qayb qaadashada dagaalada ay xarakada Al shabbab kula jirto dowlada KMG ah ee Soomaaliya iyo joogitaanka ciidamada AMISOM ee gudaha dalka.

Baaqa uu afhayeenka Xarakada Mujaahidiinta Al shabbab  uu u jeediyay dadka ku nool magaalada Kismaayo ayaa waxa uu imaanayaa xili dagaalo aad u xoogan ay maalmahan dambe ka soo cusboonaadeen magaalada caasimadda ah ee Muqdisho iyo qeybo ka tirsan gobbalada Koonfureed ee dalka Soomaaliya.

Xasan Nuur Max'ed, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya