Deegaannka Waro-dhuumaleh ee Gobolka Galguduud oo saaay deggen iyo guulo ay labada dhinac kala sheegteen

Jimco, 25, Feb. 2011 (HOL) Kadib dagaal culus oo ku dhaxmaray deegaannka Waro-dhuumaleh oo ka tirsan degmada Guri-ceel ee goballka Galgaduud xogagga Xarrakada Mujaahidiinta Al-shabaab iyo kuwa Ahlu Sunna Waljameeca, ayaa wararku waxaa ay sheegayaan in xaaladu degan tahay, inkastoo wali ay halkaa ka taagan yihiin dhaq dhaqaaqyo ciidan.

Dhinacyada dirirtu dhaxmartay ee xarrakada Al-shabaab iyo kuwa Ahlu-sunna Waljameeca ayaa sheeganaya guulo ay ka gaareen dagaalka oo saameynta ugu weyn ku yeeshay dadka reer miyiga ah ee markii horeba la daalaa dhacayay xaalada abaarta.

Afhayeenka dhinaca howl-galada xarrakada Al-shabaab Shiikh C/siis Abuu-muscab ayaa warbaahinta u sheegay in dhinacooda ay guul weyn ka gaareen dagaalka islamarkaana dileen in badan oo ka mid ah xoogagga Ahlu Sunna, iyagna gacanta ku hayaan goobihii lagu dagaallamay.

Laakiin dhinaca Ahlu Sunna Waljameeca sarkaal u hadllay ayaa sheegay in dagaallka ka dhacay Waro-dhuumaleh markii horeba iyagu qaadeen, islamarkaana jug xoog leh ku gaarsiiyeen kuwa xarrakada Al-shabaab, isaga oo intaa ku darray in wali is horfadhiyaan labada dhinac.

Guulaha ay kala sheeganayaan dhinacyada dirirtu dhaxmartay marka laga soo tago, waxaa xusid mudan in dhinaca kale dagaalkaasi sababay barakac iyo waliba khasaare ka soo gaaray dadka reer miyiga ah ee waliba xoola dhaqatada u badan ee ku dhaqnaa deegaannka lagu dagaallamay kuwaasoo hadda u firxanaya qeybo ka mid ah goballada Hiiiraan iyo Galgaduud.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya