Madaxweynaha Soomaaliya oo shir jaraa’id maanta qabtay kagana hadlay dagaallada ka socda Magaalada Muqdisho

Jimco, 25 Feberaayo, 2011 (HOL) – Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo shir jaraa’id ku qabtay maanta xafiiskiisa Muqdisho ayaa ka hadlay dagaallada ay kula jiraan Xarrakatul Shabaab ee socda muddada toddobaadka ah, isagoo sheegay in dowladdu ay guulo ka gaartay dagaalladaas.

 

“Waxaan rabaa inaan u hambalyeeyo ciidamada dowladda KMG iyo kuwa AMISOM oo guulo ka gaaray dagaallada ka socda Muqdisho ee ay kula jiraan Xarrakatul Shabaab,” ayuu Sheekh Shariif ku billaabay shirkiisa jaraa’id, isagoo baaq u diray dagaalyahannada Xarrakatul Shabaab kana hadlay abaaraha dalka ka jira.

 

Madaxweyne Sheekh Shariif wuxuu sheegay in xoogagga kasoo horjeeda ay marayaan marxalad adag uuna ugu baaqayo dagaalyahannada kooxdaas inaysan dowladdu wax dhibaato ah u geysan doonin haddii ay dhanka dowladda soo maraan.

 

“Ciidamada dowladda Soomaaliya waxaa saaran waajib ah inay dhowraan shacabka, waana inay fuliyaan arrintaas oo lagu badbaadinayo shacabka Soomaaliyeed,” ayuu shirkiisa jaraa’id ku yiri Sheekh Shariif, wuxuuna si aad ah uga hadlay Xarrakatul Shabaab oo dagaal kula jirta dowladda KMG ah iyo ciidamada taageera ee AMISOM.

 

Sheekh Shariif waa markii labaad oo uu ka hadlo toddobaadkan dagaallada ka socda Muqdisho ee ay kula jiraan xoogagga Xarrakatul Shabaab, iyadoo dowladdu ay sheegtay inay dagaalladaas ku qabsatay saldhigyo muhiim ah oo ay horay ugu sugnaayeen xoogagga kasoo horjeeda.

 

Afhayeennada Xarrakatul Shabaab ayaa beeniyay in dagaallada Muqdisho looga qabsaday saldhigyo muhiim ah, sidoo kalena looga adkaaday, iyagoo sheegay inay iska caabiyeen weerarro dhowr ah oo lagu soo qaaday fariisimaha ay kaga sugan yihiin Muqdisho.

 

Dhanka kale, madaxweynuhu wuxuu ka hadlay abaaraha dalka ka taagan, isagoo ugu baaqay in la gargaaro shacabka Soomaaliyeed ee gobollada dalka ku dhibaateysan, sidoo kalena dadka wax haysta ee Soomaaliyeed ay gargaaraan shacabka dhibaateysan.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya