Jimco, 25 Feberaayo, 2011 (HOL) – Waxaa magaalada Muqdisho ka socda maalintii afaraad dagaallo culus oo khasaare nafeed geystay, iyadoo dagaalladan ayaa inta la ogyahay ku dhintay shan qof oo shacab ah iyadoo ay ku dhaawacmeen tobaneeyo kale.
Dagaallada maanta ayaa ka socda degmooyinka Howlwadaag, Hodan iyo Wardhiigley, iyadoo halkaas ay weerarro ku qaadeen saakay aroortii hore ciidamada DKMG ah oo kaashanaya kuwa AMISOM, waxaana dagaalka uu ka socdaa meel ku dhow jidka wadnaha, sida uu goobjooge ku sugan degmada Wardhiigley u sheegay HOL.
“Saakay dagaalku wuxuu soo gaaray jidka wadnaha balse ciidamada dowladda ayaa dib loo riixay, dagaalkuna wuxuu ka socdaa meel ku dhow jidka wadnaha,” ayuu HOL u sheegay goobjooge ku sugan xaafadda Xararyaalle ee degmada Wardhiigley.
Dhaawacyada ka dhashay dagaalka saakay ayaa la gaarsiiyay isbitaallada Muqdish, iyadoo aan la ogeyn khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee kala gaaray labada ciidan ee dagaallamaya.
Saraakiil u hadlay DKMG ah ayaa sheegay inay la wareegeen fariisimo ay kaga sugnaayeen xoogagga Xarrakatul Shabaab degmooyinka Wardhiigley iyo Howlwadaag, balse ma jirto wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca Xarrakatul Shabaab, iyadoo dagaalku uu weli socdo.
Jidka warshadaha ayaa waxaa maanta ka socda dagaal u dhexeeyay xoogagga Xarrakatul Shabaab iyo ciidamada AMISOM, waxaana madaafiic culus ay ku dhacaysaa hareeraha wasaaraddii hore ee gaashaandhigga oo ay labada dhinac ku hardamayaan.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya