Kulankani waxaa looga hadlay xaaladda Amniga ee dalka taasoo Ra’iisul Wasaaraha Mudane Maxamed Cabdullaahi uu sheegay in ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed, Shacabiga qeybihiisa kala kala duwan iyo ciidanka Nabad illaalinta ee AMISOM ay horumar ka sameeyeen aagag dagaal oo caddowga Nabad-diidka ah horay ugu sugnaayeen
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ahna Wasiirka Gaashaandhiga Mudane C/xakiin Fiqi ayaa isna faah faahin dheeraad ah ka siiyay golaha Wasiirada heerka uu marayo dagaalka lagula jiro kooxdaasi Nabadiidka ah ee (Al-shabaab) isagoo sheegay kadib markii ciidamada Niyadooda sare u kacday oo ay heleen taakuleyntii ciidan dagaal ku jira lagama maarmaanka u ahaa sida, Caafimaadka iyo Saadka taasoo uu sheegay in aysan horay u heli jirin ciidamadu.
Wasiirka Gaashaandhigga ayaa sidoo kale ka hadlay dagaalada ka soconaya qaar ka mid ah gobolada dalka isagoo sheegay in dagaaladaasi ay heer wanaagsan marayaan niyad jab weyna ku riday caddowga Qaranka “Waxaan golaha u cadeynayaa in dagaaladaasi sida ay u bilowdeen ay u socon doonaan tan iyo inta laga adkaanayo caddowga, mana dhici doonto qaladaadkii horay u dhici jiray ee halkii la qabsadoba dib looga soo noqon jiray” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Gaashaandhigga.
Guddoomiyaha shirka Ra’iisul Wasaare Maxamed Cabdullaahi Maxamed wuxuu golaha u sheegay in dagaalada ka dhacaya nawaaxiga Degmada Buuhoodle ay ayaandarro tahay inay weli sii socdaan iyadoo dadka ku nool halkaasi hub culus loo adeegsaday.
Gabogabadiina waxaa la isla gartay baaq ku aadan dagaalada Kalshaale kana kooban qodobada hoos ku xusan.
-
Waxaan tacsi u direynaa dhamaan dadkii ay eheladoodu ku dhinteen dagaalladii ka dhacay todobaadyadii la soo dhaafay degaanka Kalshaale iyo nawaaxiga Buuhoodle, inta dhaawaca ahna waxaan Alle uga rajeyneynaa inuu caafimaad deg deg ah siiyo.
-
Waxaan ugu baaqeynaa beelaha degaanadaas deriska la ah ee wax badani ka dhaxeeyaan in ay nabadda doortaan.
-
Waxaan aad uga xunahay in mas’uuliyiinta Maamul Goboleed-yadu ay dagaal ugu baaqaan dadkooda meeshii ay nabadda ka shaqeyn lahaayeen; waxaana ugu yeereynaa in ay mawqifkaas ka joogaan maadaama aan dagaal khashaaro mooyee wax faa’iido ah uusan keeneyn, xasuuqana laga joojiyo dadka shacabka ah ee degaanadaas oo loo noxo shacabka ay abaaruhu wax yeeleeyeen.
-
Sida ku cad axdiga KMG ah, in degaan uu ka mid noqdo Maamul Goboleed waxay ku iman kartaa oo kaliya in dadka degaanku si ikhtiyaarkooda ah ay ku doortaan ee aan marna lagu dhaqan gelin Karin awood Millateri.
-
Waxaan ugu baaqeynaa beesha caalamka gaar ahaan dowladdaha waaweyn ee faraha kula jira arrimaha degaannadaas in ay Dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya ku kaalmeeyaan sidii loo adkeyn lahaa nabadda iyo Midnimada Soomaaliyeed, basle aysan dawr ka qaaddan sidii dagaalladu u faafi lahaayeen ama dalku u kala go’I lahaa.
-
Waxaa kaloo intaa dheer inay biyo kama dhibcaan tahay in Madaxbanaanidda iyo Midnimada dalka Soomaaliya aysan aheyn mid gorgortan geli karta cidna lagama yeelayo in ay meel kaga dhacdo.
-
Waxaan ugu baaqeynaa odayaasha, cuqaasha iyo waxgaradka beelaha degaannadaas in ay nabadda ka shaqeeyaan oo sida ugu dhakhso badan uga howlgalaan sidii lagu joojin lahaa dhiigbaxa; Xukuumadda Dowladda Federaalkuna waxay diyaar u tahay inay gacan ka geysato xal u helidda sidii naabd waarta loogu soo dabaali lahaa degaanadaas.
Xafiiska Warfaafinta ee Ra'iisul Wasaaraha
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya