Talaado, Abriil 12, 2011 (HOL) – Xilli abaarta ka jirta dalka Soomaaliya ay tahay mid aad u daran islamarkaana galaafatay nolosha dad iyo duunyo fara badan ayaa hadana gobollada Jubooyinka waxa ay kamidyihiin gobollada ugu daran ee ay sida ba’an u saameeyeen abaaraha ka jira dalka Soomaaliya.
Booqasho gaaban oo aan ku aadnay qaar katirsan deegaanada gobolka J/dhexe ayaa deegaanadii aan marnay waxaan kula kulannay xaalad nololeed oo aad u liidata, dadka ayaa waxa ka muuqday dhibaatada iyo diifta ay ku reebtay abaarta, xoolaha ayaa ahaa kuwo aad u ildaran, waxaana hareeraha wadooyinka intii aan safarka ku jirnay ku aragnay bakhtiga xoolo fara badan oo u le’day Abaarta.
Qaar katirsan dadka xoolaleyda ah ee ku dhaqan gobolka J/dhexe oo HOL uga waramayay dhibaatada abaareed ee heysata ayaa waxa ay sheegeen in xooluhu ay u le’anayaan biyo iyo baad la’aan iyadoona dhulku yahay mid qalalan oo aan lahayn Naq ay xooluhu daaqaan waxaana ay sheegeen in xoolaleyda intooda badan ay u barakaceen dhanka deegaanada gosha ee uu maro webiga Jubba si ay uga helaan biyo iyo baad, halkaasina ay kala kulmaan cudurro kala duwan oo soo wajaha xoolahooda sida cudurka loo yaqaan Gandiga.
Xoolaleyda gobolka J/dhexe ayaa intooda badan waxa ay dhaqdaan Lo’da oo iyadu ah xayawaan aad ugu nugul abaarta, mudadii aan ku safreynay wadada dheer ee isku xirta degmooyinka Kismaayo oo katirsan G/j/hoose iyo Bu’aale oo ah xarunta gobolka J/dhexe ayaa waxaa hareeraha wadooyinka daadsanaa bakhtiga xoolo u le’day abaarta iyo kuwo socon waayay oo looga tagay halkii ay ku dhaceen.
Dhanka kale deegaanada Saraarey iyo waraabe gube oo hoostaga degmada Salagle ee gobolka J/dhxe ayaa waxa la sheegay in ay ku dhinteen 4 qof oo laba kamid ah ay ahaayeen haween, kuwaas oo u dhintay oon iyo gaajo sida uu noo xaqiijiyay Ugaas Xuseen Ugaas Maxuud Qorane oo kamid ah ugaasyada degmada Bu’aale.
Inkastoo dhibaatada abaareed ee kajirta gobollada Jubooyinka ay tahay mid aad u daran ayaa hadana qaar kamid ah deegaanada galbeed ee G/J/hoose, waxa ka curtay roobabka Xilliga gu’ga walow roobabkaasi aysan ahayn kuwo kaafiyay baahida xoolaleyda balse xoolo dhaqatada ayaa iyagu quuldareeynaya in mar uun laga gudbi doono Abaarta.
Xasan Nuur Max'ed, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya