Talaado, Abriil 12, 2011 (HOL) – Ugu yaraan shan qof oo shacab ah ayaa lagu dilay tobaneeyo waa lagu dhawaacay kaddib madaafiic ay isweydaarsanayeen DKMG ah iyo Xarrakatul Shabaab oo maanta ku dhacday xaafado ka tirsan degmada Wadajir iyo suuqa Bakaaraha.
Hoobiyeyaal ku dhacay guryo ku yaalla dhismayaal ka dambeeya isbitaalka Madiina iyo xaafadda nasteexo ee degmada Wadajir ayaa waxaa ku dhintay laba qof oo shacab ah, waxaana ku dhaawacmay shan qof oo kale, sida ay HOL u xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah.
"Waxaan maqlay saddex madafac oo culus laba ka mid ah waxay ku dhaceen guryo ku yaalla xaafadda nasteexa qaybta siligga, madaafiicda kaddibna waxaan arkay laba qof oo mayd ah iyo shan qof oo dhaawacmay," ayay tiri Raaxo Nuur oo ka mid ah dadka daggan xaafadda nasteexo ee degmada Wadajir.
Madaafiicda ayaa ka mid ahayd madaafiic ay Xarrakatul Shabaab ku weerartay Villa Baydhabo oo ay ka socotay xaflad lagu maamuusayay aasaaskii ciidanka milateriga Soomaaliya taasoo uu goobjoog ka ahaa madaxweynaha Soomaaliya.
Ma jiraan madaafiic ku dhacday Villa Baydhabo, inkastoo duqeymahan ay argagax geliyeen dadka ku nool xaafadaha ay maanta ku dhaceen.
Duqeymo jawaab u ahaa weerarka madaafiicda ah ee lagu qaaday Villa Baydhabo ayaa waxay ku dhaceen suuqa Bakaaraha waxaana ku dhintay saddex qof oo shacab ah iyadoo ay ku dhaawacmeen shan qof oo kale.
"Waxaan arkay maydadka saddex qof iyo dhaawaca shan kale gaadiidka gurmadka deg-degga ah lagu qadaayo," sidaa waxaa HOL u sheegay ganacsade ku sugnaa suuqa Bakaaraha xilliga ay madaafiicdu ku dhacaysay.
Xaaladda ayaa hadda daggan, iyadoo dhaawacyadii ka dhashay duqeymahan la isku weydaarsaday Muqdisho la gaarsiiyay isbitaallada Madiina iyo Dayniile, waxaana qaar ka mid ah dhaawacyada la sheegay inay ahaayeen kuwo culus.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya