Taliyaha ciidanka booliska maamulka Puntland oo sheegay inay ammaanka wax badan ka qabanayaan

Talaado, Abriil 12, 2011 (HOL) – Taliyaha ciidanka booliska Puntland Cali Nuur Cumar ayaa sheegay in la qaaday tallaabooyin muhiim ah oo lagu xoojinayo amniga gobolka oo ay ka dhaceen dilal qorshaysan.

"Boolisku waxa ay ku guulaysteen in gacanta lagu soo dhigo dad badan oo amniga khal-khal ku hayay "ayuu yiri taliyaha oo ka hadlayay munaasad tababar loogu furayay ciidamo boolis ah. Waxaa kaloo taliyaha uu sheegay in uu tacsi u dirayo dhamaan dadkii ku naf-wayay dilal kala gooni-gooni ah oo oo siyaabo kala duwan uga dhacay gudaha Puntland.

Taliyaha ayaa sheegay in kooxihii fuliyay dilka masuul PDRC u shaqaynayay qaar kamid ah ay cidanku dileen ,isla markaana sharciga la hor keeni doono inta gacanta lagu hayo. Mar uu ka hadlayay askar tababar looga furay Garowe ayuu sheegay in marka tababarkooda  ay soo dhamaystaan ay ka howlgali doonaan meelo kala duwan oo kamid ah gobolka.

"Askartan waxa ay gaarayaan 95-askari ,tababarkooduna waxa uu socon donaa muddo hal bil ah "ayuu yiri taliyaha ,isagoo intaa ku daray in ay gobollo kala duwan ka yimaadeen.

Ugu danbayntii hadalkan ka soo yeeray taliska sare ee booliska Puntland ayaa imaanaya ,iyadoo ay soo kordhayaan dilalka qorshaysan oo inta badan kor u sii qaada cabsida dadwaynaha.

Faisel Maxamed Hassan, Hiiraan Online
[email protected]
Boosaaso, Soomaaliya