Talaado, Abriil 12, 2011 (HOL) – Iyadoo maanta uu magaalada Nairobi ee dalka Kenya ka furmayo shir laba maalmood soconaya oo ay ka qaybgalaan maamullada ka jira Soomaaliya iyo xubno baarlamaanka ka tirsan ayaa waxaa ka hadlay ergayga xoghayaha guud ee Qarammada Midoobay uga wakiilka ah arrimaha Soomaaliya dajire Augustine Mahiga oo shirkan qabanqaabadiisa leh.
Danjire Mahiga, ayaa sheegay in shirkan uusan ahayn mid siyaasadeed balse ay ugu talogaleen inay kuwada hadlaan hay'adaha dowladda iyo maamullada taageersan, isagoo sheegay in dhowr jeer uu isku dayay inuu madaxda DKMG ah ku qanciyo ka qaybgalka shirka balse ay u suurogeli wayday.
"Kulankan laba jeer oo hore ayaan baajinnay markii madaxda DKMG ah ay sheegeen inay ku mashquulsan yihiin arrimaha dowladda, waana mid aan ugu talogalnay inaan ku dhedhexaadinno hay'adaha dowladda oo uu u dhexeeyo khilaaf, mana ahan shirka mid go'aan looga gaarayo arrimaha Soomaaliya," ayuu yiri Mahiga Nairobi kula hadlay warbaahinta.
"Ajandayaasha shirka waxaa ka mid ah in lagu dhageysto waxqabadka maamullada dalka ka jira, sidoo kalena uu dowladda KMG ah u noqdo fursad ay kusoo bandhigto waxqabadkeeda dhinaca ammaanka," ayuu Mahiga hadalkiisa daba dhigay.
Wakiilka Qarammada Midobay ee arrimaha Soomaaliya ayaa sheegay shirka sidoo kale looga hadli doono sidii lagu soo afjari lahaa xilliga KMG ah ee dowladdu ay ku shaqeyso, isagoo xusay in talooyin arrintaas ku saabsan ay ka dhageysan doonaan guddoomiyaha baarlamaanka oo shirka ka qaybgalaya.
Danjire Mahiga, wuxuu sheegay inuu Muqdisho kula kulmay toddobaadkii hore xubno uu ka mid yihiin madaxweyne Sheekh Shariif iyo ra'iisul waasaraha Maxamed C/llaahi Farmaajo balse uu ka dhaadhicin waayay inay shirka ka qaybgalaan, isagoo intaa ku darya in toddobaadkii lasoo dhaafay uu sidoo kale kulan kula yeeshay Kampala madaxweyne Sheekh Shariif si uu ugu qanciyo kasoo qaybgalka shirka balse uu taaas ku gacan-sayray.
"Sababta ay u diidan yihiin shirka waa inaysan hubin qodobbada kasoo baxaya, sidoo kale waxay ii sheegeen arrin horay ugu dhacday madaxweyne Soomaaliya soo maray, taasoo ahayd in shir lagu qabtay Nairobi ay xubnihii kasoo qaybgalay ku cambaareeyeen dabadeedna xilka laga qaaday," ayuu yiri Mahiga oo sharrxaad ka bixinayay sababta ay madaxda DKMG ah u diideen inay shirka ka qaybgalaan.
Ergaygu wuxuu sheegay in madaxda DKMG ah ay si khaldan u fahmeen shirka balse uu ka duwan yahay sida ay aamisan yihiin, isagoo sheegay in sirkan uu billow u yahay wadahadallo dalka gudihiisa ku dhexmara DKMG ah iyo maamullada jira.
Shirka waxaa ka qaybgalaya maamullada Puntland, Galmudug, xubno ka socda Ahlusunna Waljamaaca iyo wafdi 10-xubnood ka kooban oo uu hoggaaminayo guddomiyaha barlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan, iyadoo shirka loo diiday inay saxaafaddu ka qaybgasho.
Maxmaed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya