Bannaanbax looga horjeedo shirka ay Qaramada Midoobay soo qaban-qaabisay oo Muqdisho ka dhacay

Talaado, Abriil 12, 2011 (HOL) Bannaanbaxyo looga horjeedo shirka ka furmay magaalada Nairobi ayaa maanta ka dhacay Muqdisho, kaasoo ay soo qaban-qaabiyeen ururrada bulshada rayidka iyo maamulka gobolka Banaadir, waxaana xubnihii ka hadlay ay ku tilmaameen shirkaas inuusan ahayn mid ay dani ugu jrito Soomaaliya.

Dadweynihii ka qaybqaadanayay dibadbaxan ayaa socod kusoo maray degmada Xamarweyne iyagoo ugu dambeyn kusoo ururay barxad weyn oo ay kula hadleen mas'uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka iyo kuwa bulshada rayidka ah.

"Talada Soomaaliya gogosheedu waa Muqdisho, wax badan ayaana dibadda wax ka doonnay caalamkana waa nagu wareeray... waxaana loo baahan yahay in gudaha dalka lagu soo laabto si looga hadlo xaaladda Soomaaliya," ayuu yiri Shariif Xuseen Jilacow oo ka mid ah golaha odayaasha Soomaaliyeed.

Sidoo kale, waxaa dibadbaxa ka hadashay xoghayaha ururka haweenka Qaranka Soomaaliyeed Faadumo Cali Cosoble iyadoo shirka ka furmay Nairobi ku tilmaantay mid lagu burburinayo dowladda Soomaaliya laguna qaybinayo dalka.

"Mahinga iyo inta la midka ah ee doonaysa inay Soomaaliya la kala qaybiyo waan kasoo horjeednaa, shirka Nairobi ma ahan mid looga hadlayo xalka Soomaaliya ee waa mid lagu burburinayo, gudaha dalka ayaa lagu qaban karaan shir wadatashi, Mahinga waxaad waddo ma doonayno, ogow Soomaaliya xalkeeda wuxuu yaallaa gudaha iyada ayaan ka tashanaysa," ayay tiri Faadumo.

Guddoomiyaha degmada Xamarweyne C/llaahi Sahal Gadhuub oo isaguna hadal ka jeediyay mudaaharaadka ayaa ka codsaday xoghayaha guud ee QM Ban Ki-Moon inuu xil ka qaadi sku sameeyo wakiilkiisa Soomaaliya danjire Mahinga oo uu sheegay inuu ka shaqeynayo burburka Soomaaliya.

"Soomaaliya wixii u dan ah iyadaa taqaan mana doonayso in cid kale ay u yeeriso, innagu waxaan doonaynaa cid nala shaqeysa ee ma doonayno cid naga shaqeysa, waxaana ka codsanaynaa xoghayah guud ee Qarammada Midoobay inuu bedelo wakiilkiisa Soomaaliya," ayuu yiri Gardhuub.

"Ma doonayno cid na qafaasha ee waxaan doonaynaa cid aayaheenna nagala shaqeysa, ciddii qafaalka raalli ka noqotay oo raacdayna go'aan ayaan ka qaadanaynaa," ayuu guddoomiyuhu hadalkiisa raaciyay.

Dibadbaxayaasha ayaa waxay wateen boorar ay ku qoran yihiin inaysan raalli ka ahayn shirka Nairobi iyo ergayga xoghayaha guud ee Qarammada Midoobay uga wakiilka ah arrimaha dalka Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya