Shir ay soo qabanqaabisay Qaramada Midoobay oo maanta ka furmay Nairobi iyo mas'uuliyiin ka hadlay

Talaado, Abriil 12, 2011 (HOL) Shirka ay Qarammada Midoobay soo agaasintay ee looga hadlayo arrimaha dalka Soomaaliya ayaa saakay ka furmay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, waxaana goobjoog ka ahaayeen xubnaha Puntland, Galmudug, Ahlusunna iyo weliba xubno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo uu horkacayo Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Ergayga Qarrammada Midoobay ee Soomaaliya danjire Agusutine Phillip Mahinga oo shirka furay ayaa sheegay in shirkan looga hadlayo arrimaha dalka Soomaaliya, gaar ahaan waxqabadka maamullada dalka ka jira iyo sidii looga gudbi lahaa xilliga kala guurka ah.

"Madaxda dowladda KMG ah weli waxaa u furan inay shirka kasoo qaygbalaan," ayuu yiri Mahiga isagoo ku celiyay in shirkan uusan ahayn mid go'aan looga gaarayo Soomaaliya, balse uu yahay mid la isku dhaafsanayo talooyin.

Shirka ayaa waxaa hareeyay buuq xooggan ka hor intii uusan furlin kasoo ku saabsanaa xubnaha shirkas uga qaybgalaya culummaa'uddiinka Ahlusunna Waljmaaca oo ku socday saddex koox, balse waxaa buuqaas xalliyay dajire Mahinga.

Kooxaha Ahlusunna ee uu khilaafkku ka dhashay ayaa waxaa kala hoggaaminayay Sheekh Cumar Sheekh C/qaadir oo ka socday maamulka Ahlusunna ee gobollada dhexe, Sheekh C/qaadir Sheekh Abuukar Soomow oo ka socday kooxda Ahlusunna ee Muqdisho iyo afhayeenka Yurub ee Ahlusunna Maxamed Xuseen Awliyo.

Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole oo shirka ka hadlay ayaa ka warbixiyay waxqabadka maamulkiisa tan iyo markii uu la wareegay xilka madaxnimo, isagoo si aad ah ugu dheeraaday ka hadalka burcadbadeedda.

Shirkan oo socon doon maanta iyo berri ayaa kooxaha ka qyabgalay waxay maanta ka hadlayaan waxqabadkooda, iyadoo lagu wado in berri ay isku dhaafsadaan aragtiyadooda ku aaddan xilliga kala guurka ah ee DKMG ah oo xilliga ay shaqeynayso aan weli go'aan rasmi ah laga gaarin.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya