Xukuumadda Soomaaliya oo sheegtay inaysan waxba iska bedelin go'aankii ay ka qaadatay ka qaybgalka shirka Nairobi

Talaado, Abriil 12, 2011 (HOL) Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay inaysan waxba iska bedelin go'aankii ay ku diiday ka qaybgalka shirka Nairobi ee maanta furmaya, kaasoo socon doona illaa berri oo Arbaco ah.

La-taliyaha sare ee ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Eng. C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) ayaa shaaca ka qaaday in dowladdu ay aad iyo aad uga xun tahay in Qarammada Midoobay iyo caalamka ay weli ku adkeysanayaan in shirka uu sii socdo iyagoo og in DKMG ah ay caddeysan in shirkan uusan ku jirin maslaxadda dalka, diinta iyo ummadda Soomaaliyeed.

"Sababaha dowladda KMG ah ay u qaadacday ka qaybgalka ayaa ah in marka hore abaabulka iyo qabanqaabada shirka aanay waxba ku lahayn, laguna wargelin dhammaan ka qaybgalayaasha oo ay ku jirto dowladda, tanna aan u aragnay inay kasoo horjeeddo maslaxadda ummadda Soomaaliyeed. Waxay ahayd haddii la qabannayo shir noocan oo kale ah in dowladda Soomaaliya ay yeelato hoggaanka iyo abaabulka shirka," ayuu yiri la-taliyaha sare ee ra'iisul wasaaraha.

Eng. Yariisow ayaa intaas ku daray in haddii aan dowladda laga talo-gelin abaabulka, lahayna hoggaanka, waxaa iska cad in aan lagu kalsoonaan karin shirka, isla markaana ay jiraan tuhuno iyo tashwiish fara badan oo keeni kara in go'aanka uu noqdo mid dan u ah ummadda Soomaaliyeed.

"Dowladdu diyaar bay u tahay inay la-tashiyo iyo kulammo ay la yeelato dhammaan qaybaha bulshada oo ay ku jiraan maamul goboleedyada iyo Ahlusunna. Ha yeeshee waxay ku habboon tahay in kulammadaasu ay noqdaan kuwo ay qeybaha bulshada ee ka qaybgalaya ku qancaan oo ay fahmaan waxa ka soo bixi kara. Soomaalida horay baa kulamo noocan oo kale ah loogu yeeray kuwaasoo ay kasoo baxeen go'aanno aan u cuntamin shacabka Soomaaliyeed," ayuu Eng. Yariisow mar kale yiri.

Ra'iisal Wasaaraha Soomaaliya dhowr jeer ayuu ku cel-celiyay in loo baahan yahay in isbedel dhab ah la sameeyo, haddaba si loo sameeyo isbedel dhab ah waxaa muhiim ah in isbedel lagu sameeyo hababka iyo nidaamka loo abaabulo shirarka Soomaalida oo ay noqdaan kuwo hoggaankeedu leeyhiin Soomaalida, isla markaana aysan noqon kuwo loo qabto shacabka, ayay DKMG ah ku sheegtay qoraal ay soo saartay.

Eng. Yariisow ayaa qoralkiisa kusoo gabgabeeyay hay'ada fulinta ayaa u xil saaran jaangoynta siyaasadda Qaranka iyo dhameystirka dib-u-heshiisiinta. Waxaana habbooneyd in dhammaan mas'uuliyiinta ka qaybgalaya shirka ay xurmeeyaan go'aanka dowladdooda oo matasha dhammaan shacabka Soomaaliyeed. Habka awood qaybsiga ayaa ah mid lagu matalo dhammaan maamulada ka jira dalka.

Maxmaed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya