Axad, 16 May 2010 (HOL)- Madaxweyne-xigeenka iyo labada Xisbi Mucaarad ee Somaliland, ayaa siyaabo kala duwan muddada Guddida Doorashadu u cayimee inay Somaliland ka dhacdo Doorashadu.
Guddida Doorashada Somaliland ayaa toddobaadkan cayimay maalinta ay Somaliland ka qabsoomayso Doorashadu, waxaanay sheegeen in 26 bisha June ee soo socota ay dalka ka dhici doonto Doorashada Madaxtooyadu, isl amarkaana ay u gudbiyeen Madaxweyne Rayaale. Isla markaana, Madaxweyne Rayaale ayaa wareegto uu soo saaray ku ansixiyay shalay muddadaa ay u cayimeen Komishanka Doorashadu.
Madaxweyne-xigeenka Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa ka hadlay sida uu u arko ama ay Xukuumad ahaan u arkaan wakhtiga loo cayimay Doorashada. “Maalintaasi waa maalin qaran (26-ka June maalinta cod-bixinta) waa ku habboon in wax la qabto, waa maalintii aynu qaranimada la soo noqonay ee ay ka qaadanay maxmiyaddii Ingiriiska, waa maalin aad u wayn in la wayneeyaana way fiican tahay inkastoo ay ahayd in la xeeriyo, tusaale ahaan Laas-qoray ilaa Lawyacado Guban iyo xeebo oo dhan dadkii way ka soo hayaameen, 300 oo goobood baa ah ciddi ma joogto hawl wadeenadiina waxay joogaan meesha, markaa kolay maanta waxay qabanayaan Berbera si hawl wadeenadaa loo soo daad gureeyo oo loo keeno.” Ayuu yidhi Madaxweyne-xigeenku, waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “UDUB maaha xisbiga, UDUB-ku waa reerka guura, markaa in reerka guura laga daba keeno oo imika waxay marayaa waxay u socdaan oogo, inkasta oo ay ahayd in Komishanku waqtiyada ay doorashadu ugu habboon tahay dadka in la qabto. Laakiin anagu kolayba xukuumadda ahaan waxa lanagu eedaynaayo ee la leeyahay bahashay dib u dhigayaan, imika kuwii oogadu Itoobiya ayey galeen way sii guureen,. haddana anagu xukuumadda ahaan waxa la yidhi haddaanu hadalnana waa af salax ku dhegayagii, haddaanu aamusnana reerku waa reer baas.
Laakiin anagu diyaar baanu u nahay waqtigaa cidhiidhiga ah ee cimilada ay dadku ka guureen kolay xisbiyada kale waanu ula simanahay. Laakiin waxay ahayd in la eego qofkan cod-bixiyaha ahi inuu waajib leeyahay ama xaq uu u leeyahay inuu kaadhkiis qaato. Sababtoo ah waxa ku jira xeerarkeena inuu qofku ka codeeyo goobtii uu kaadhka ka qaatay, dadkeenu hadiyo jeer waxay degan yihiin dhulka November ilaa March shantaa biloodbaa ilaa waqtigii Ingiriiska la qaban jiray doorashooyinka, si dadku iyagoo meeshooda degan ay doorashadu u dhacdo. Laakiin anagu haddaanu nahay xukuumaddii ama UDUB waanu ku qanacsanahay dhibaatadaa aanu dadka ula midka nahay, kolayba waanagaa ka afeef dhiganay.
Tan imika la bixinayo kaadhadhkana waa kaadhadhkii lagu eryey Komishankii hore, natiijadii waxba iskamay bedelin. Laakiin waxaan leeyahay shacabka Somaliland nin walowba kaadh keliya qaado, mar keliya code.”
Guddoomiye-xigeenka koowaad ee Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi oo isna dhinacooda wax laga waydiiyay, ayaa ku jawaabay oo yidhi, “Laba arrimoodba aad baanu u soo dhaweynaynaa, in la bilaabay hawshii kaadhadh bedelka aad baanu u soo dhaweynaynaa, dadkana waxaanu ugu baaqaynaa inay hawshaa ka qayb qaataan oo ay kaadhadhka cusub qaataan oo u diyaar-garoobaan cod-bixinta oo ay waajibkooda wadanimo ee codaynta ay gutaan. Ta labaad ee lagu dhawaaqay 26-ka June in cod-bixintii dhacayso aad baanu u soo dhaweynaynaa, waa maalin mudan waxay ku beegmaysaa 50-guuradii gobanimada Somaliland aad iyo aad baanu ugu faraxnay labadda arrimood ee la isku beegay oo noqonaysaa mar labaad Somaliland oo xor ah oo Madaxweyne dooranaysa iyo iyadoo 50 sano ka hor isticmaarkii ka xorrowday inay midoobaan, waa munaasibad aan ku hambalyeynayo ciddii ka fikirtay ee labadaa cisho isku beegtay waananu soo dhaweynaynaa”
Dhinaca kale, Guddoomiye-xigeenka koowaad ee Xisbiga UCID Aadan Maxamed Mire (Waqaf) oo iyana dhinacooda ka hadlay siday u arkaan maalinta Doorashada loo qabtay. “Maanta farxad bay dhamaanteen inoo wada tahay iyadoo ay tahay bilawgii kaadhadhka lagu bedelayey, inkastoo ay saaka ay ku bilaabantay qaab aad u yara hooseeya, balse imika waxaad moodaa inay si habsamiya ku soconayso. Waxaan anigu ummada u gubinayaa oo fariin ah in hal kaadh la qaato, inay u codeeyaan ciddii ay u arkayaan inuu khayr u leeyahay dalkan xukunkiisa, nabadgalyada la ilaaliyo.”
Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online
Hargeisa, Somaliland.