Kulankii Golaha Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta ka furmaya Muqdisho iyo Ammaanka oo si weyn loo adkeyay

Axad, May 16, 2010 (HOL) − Waxaa lagu wadaa in 10:00-barqonimo ee maanta uu ka furmo Magaalada Muqdisho kulankii baarlamaanka Soomaaliya, kaasoo ay ka qaybgalayaan in ka badan 350-mudane oo ku sugan Muqdisho.

Shirkan oo ka dhaca xarungta Golaha Shacabka ayaa waxaa ammaankeeda aad u adkeeyay ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM iyo kuwa Dowladda Soomaaliya, iyadoo sidoo kalena la xiray jidadka soo gala xarunta.

Ciidamada ayaa joojiyay socodka gaadiidka iyo kan dadka, iyadoo loo ogol-yahay inay xarunta Golaha shacabka u gudbaan xildhibaannada oo keliya, kuwaasoo inta aysan gudaha u gelin madasha shirka baaritaanno lagu sameynayo.

Ganacsiga Suuqa weyn ee Bakaaraha ayaa xiran saakay iyadoo dadku ay baqdin weyn ka qabaan in furitaanka kulanka baarlamaanka uu dhaliyo dagaal dhexmara Ciidamada Dowladda, AMISOM iyo xoogagga kasoo horjeeda.

Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa lagu wadaa inuu kulanka ka qaybgalo, iyadoo Xildhibaannada kasoo horjeeda guddoonka ay xuseen inay dooran doonaan guddoomiye cusub marka uu kulanku furmo.

Xarunta gudaheeda ayaa waxaa ku sugan ciidamo ka tirsan AMISOM oo la sheegay in loogu talogalay inay ka hortagaan gacan ka hadal dhexmara Xildhibaannada baarlamaanka oo fikrado iskasoo horjeeda qaba.

Golaha Shacabka ayaa waxaa sidoo kale ku gadaaman ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda Soomaaliya oo wata gaadiidka dagaalka, iyadoo kulankan oo qayb ka ah Kalfadhigii 10-aad ee Baarlamaanka hadal ka jeedin doona Madaxweyne Sheekh Shariif.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Sheekh Aadan Madoobe oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in kulanka maanta ay ku kala warqaadan doonaan gudoonka iyo xildhibaannada baarlamaanka oo muddo dheer aan kulan ku yeelan Muqdisho.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

[email protected] 
Muqdisho, Soomaaliya