Axad, May 16 (HOL) - Madaxwaynaha DGPL Dr C/rixmaan Faroolle iyo xubno ka mid ah Golaha Wasiirada Dowlada ayaa ka qayb gali doona Shir ka Furmaya Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga ,kaasi oo looga hadlay arimaha somaliya.
Waxaa La Sheegay in Madaxwaynaha uu Casuumaad rasmi ah ka helay Madaxda Shirka diyaarinaysa si uu uga qaybgalo kulankaasi oo Furmaya Dabayaaqada Bishan May.
Madaxwayne Faroolle ayaa laga sugayaa in shirkaasi uu ka akhriyo Warbixin ku saabsan Burcad Badeeda oo La aaminsanayahay in Puntland ay si aad ah u joogaan.
Madaxwaynaha Puntland oo ka Qayb Galaya Shir ka Furmaya Turkiga oo looga hadlayo Arimaha Somaliya
Shirkan Waxaa soo qaban qaabisay Qaramada Midoobay ,Waxaana intiisa badan Diirada lagu saarayaa xaalada wadanka Somaliya iyo Burcad badeeda.
Masuul ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa sheegay in shirkan aaan wax dhaqaalle ah lagu siin doonin xubnaha ka qayb galaya oo ay ka mid tahay Dowlada Somaliya.
Madaxwaynaha Puntland ayaa lagu Wadaa in Shirkaasi uu ka sheego go,aanka Puntland ee ku aadan Burcad Badeeda oo badanaa lagu eedeeyo ,Waxaana uu shirkaasi socon doonaa Muddo Maalmo ah.
Faisel Maxamed Hassan,Hiiraan Online
[email protected]
Bosaaso, Soomaaliya
Madaxwaynaha Puntland oo ka Qayb Galaya Shir ka Furmaya Turkiga oo looga hadlayo Arimaha Soomaaliya
More News
- Munaasabad lagu Xusayay Sanadguuradii 67aad ee SYL oo lagu qabtay Magaalada Söderhamn ee Dalka Sweden (DAAWO SAWIRRO)
- Qof rayid ah oo ku dhintay Gaari lagu rasaaseeyay duleedka Magaalada Beledweyne.
- Munaasab lagu maamuusayey Maalinta Dhalinyarada oo ka dhacday magaalada Nairobi
- Madaxweyne-xigeenka iyo hoggaamiyayaasha Axsaabta Mucaaradka ah ee Somaliland oo ka hadlay maalinta loo cayimay Doorashada Madaxtooyada
- Wasiirkii Xanaanada Xoolaha Puntland oo xilkii laga qaaday
- SHEEKH AADAN MADOOBE: "Dowladda Soomaaliya way dhacday, kaddib markii ay gudan wayday waajibaaadkeedii"
- Wafdi uu hogaaminayo Afhayeenka Xarakatu Shabaabul Mujaahidiin Sheekh Cali Max’uud Raage oo xalay saqdii dhexe soo gaaray Magaalada Kismaayo.
- Kulankii Baarlamaanka Soomaaliya maanta uga furmay xarunta Golaha Shacabka ee Muqdisho oo buuq ku dhamaaday
- Duqeymo Muqdisho ku dhexmaray Dowladda Soomaaliya iyo Xoogagga hubeysan oo sababay khasaarooyin kala duwan
- Agaasimihii Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Soomaaliya oo kooxo hubeysan ay xalay ku dileen Muqdisho
- Kulankii Golaha Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta ka furmaya Muqdisho iyo Ammaanka oo si weyn loo adkeyay