Axad, May 16, 2010 (HOL) − Kooxo ku hubeysan bastoolado ayaa xalay toogasho ku dilay agaasimihii wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Soomaaliya Mudane Cali Nuur Jiley.
Dilka Agaasimaha ayaa ka dhacay albaabka hore Hotelka Madiina ee degmada Xamarjajab oo uu daganaa, waxaana xiligaas ay wadafadhiyeen mudane ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, kaasoo aan wax rasaas ah lagu furin.
Kooxaha dilka geystay ayaa baxsaday, iyadoo aanay jirin koox sheegatay inay ka dambeyso dilka agaasimaha, waxaana agaasimaha Maydkiisa la geeyay Isbitaalka Madiina ee Muqdisho.
Mudanihii la joogay Agaasimaha xilligii la dilayay ayaa sheegay in isagu uu ku cararay hoteelka markii ay xabbadu bilaabatay, waxaana goobta uu dilkan ka dhacay ku dhawaa ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda.
Dowladda Soomaaliya ayaan ka hadlin dilka agaasimahan oo xilka loo dhiibay bishii Jannaayo ee Sannadkii hore, markaasoo la dhisay xukuumadda talada haysa ee uu hoggaaminayo Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed.
Marxuumka ayaa la sheegay inuu ifka kaga tagay gabar yar oo ay u dhashay Haweeney Swidish ah, waxaana muddo dheer ahaa dadka Soomaalida ah ee ku nool dibadaha dalka.