Axad, May 16, 2010 (HOL) −Madaxwaynaha DGPL Dr C/rixmaan Maxamed Faroolle ayaa Maanta Xilkii Wasiirnimo ka qaaday Axmed Xuseen Doonyaalle,ka dib digreeto uu ka soo saaray Madaxtooyada Garowe
Waxaa Xilka Maanta loo Magacaabay Siciid Xasan Shire,Waxaana Maalmo ka dib Xafiiska Wasaaradaasi lagu wareejinayaa Wasiirka Cusub ,Lama sheegin Sababta Doonyaale Loo Casilay
War Ka soo baxay Madaxtooyada Magaalada Garowe ayaa lagu sheegay in Madaxwayne Faroolle uu is badalo hor leh ku samayn doono Qaar ka mid ah Golihiisa xukuumada ,taasi oo shaki ku abuurtay Wasiirada Dowlada.
Wasiirka Maanta Xilka Laga qaaday oo Warbaahinta La hadlay ayaa sheegay in uusan garanayn Sababta loo Casilay ,balse uu ku qanacsanyahay hadii uu jiro hormar ku imaanaya xil ka qaadista lagu sameeyay.
Sidoo kale Madaxwaynaha ayaa isbdalo ku sameeyay Qaar ka mid ah Garsoorayasha Dowlada ,iyadoo Wali uu jiro khilaaf ka dhex taagan xubno ka mid ah Maamulka.
Ugu danbayntii Madaxwaynaha Puntland ayaa Maalmo ka hor sheegay in la balaarin doono hawlaha Dowlada ,Waxaana jirta hadal hayn ku aadan Isbadaldan iminka Bilowday.
Faisel Maxamed Hassan,Hiiraan Online
[email protected]
Bosasao,Somaliya
Wasiirkii Xanaanada Xoolaha Puntland oo xilkii laga qaaday
More News
- Munaasabad lagu Xusayay Sanadguuradii 67aad ee SYL oo lagu qabtay Magaalada Söderhamn ee Dalka Sweden (DAAWO SAWIRRO)
- Qof rayid ah oo ku dhintay Gaari lagu rasaaseeyay duleedka Magaalada Beledweyne.
- Munaasab lagu maamuusayey Maalinta Dhalinyarada oo ka dhacday magaalada Nairobi
- Madaxweyne-xigeenka iyo hoggaamiyayaasha Axsaabta Mucaaradka ah ee Somaliland oo ka hadlay maalinta loo cayimay Doorashada Madaxtooyada
- SHEEKH AADAN MADOOBE: "Dowladda Soomaaliya way dhacday, kaddib markii ay gudan wayday waajibaaadkeedii"
- Wafdi uu hogaaminayo Afhayeenka Xarakatu Shabaabul Mujaahidiin Sheekh Cali Max’uud Raage oo xalay saqdii dhexe soo gaaray Magaalada Kismaayo.
- Kulankii Baarlamaanka Soomaaliya maanta uga furmay xarunta Golaha Shacabka ee Muqdisho oo buuq ku dhamaaday
- Duqeymo Muqdisho ku dhexmaray Dowladda Soomaaliya iyo Xoogagga hubeysan oo sababay khasaarooyin kala duwan
- Madaxwaynaha Puntland oo ka Qayb Galaya Shir ka Furmaya Turkiga oo looga hadlayo Arimaha Soomaaliya
- Agaasimihii Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Soomaaliya oo kooxo hubeysan ay xalay ku dileen Muqdisho
- Kulankii Golaha Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta ka furmaya Muqdisho iyo Ammaanka oo si weyn loo adkeyay