Axad, May 16, 2010 (HOL) − Waxaa buuq ku dhamaaday kulan uu maanta ku yeeshay Baarlamaanka Soomaaliya Magaalada Muqdisho, gaar ahaan xarunta Golaha Shacabka oo dhawaan la dayactiray.
Xildhibaannada kasoo horjeeda guddoonka sara ee Baarlamaanka ayaa buuq ka dhaliyay fadhiga markii guddoomiyaha uu soo galay xarunta, waxayna isdul-saareen kuraastii lagu fariisan lahaa, iyagoo ku qaylinaya dooni mayno Sheekh Aadan Madoobe.
Wasiirro badan oo ku fikir ah xildhibaannada kasoo horjeeda guddoonka oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka Dastuurka, Wasiiradda Horumarinta Reer Miyiga iyo wasiirro kale ayaa waxay sheegeen inuu dhammaaday xilligii guddoonka baarlamaanka, sidaa daraadeedna aysan aqbalayn inuu Sheekh Aadan Madoobe shirka guddoomiyo.
"Sheekh Aadan Madoobe ma ahan guddoomiye xilligiisii shaqo wuu dhamaaday waana xildhibaan baarlamaanka ka tirsan, ma aqbalayno inuu guddoomiyo shirka" ayuu yiri Wasiirka Dastuurka Madoobe Nuunow Maxamed oo hadal kooban jeediyay.
Xildhibaannada taageersan Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa iyaguna ku eedeeyay xildhibaannada kale inay doonayaan inay burburiyaan dowladda, dooddooduna ay tahay mid aan sharciga waafaqsanayn.
"Mudanayaasha kasoo horjeeda guddoonka ma ahan kuwo diiddan Sheekh Aadan Madoobe ee waa kuwo diidan Qaranka Soomaaliyeed" ayuu yiri Wasiirka Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga ah C/raxmaan C/shakuur Warsame oo ka mid ah xildhibaanada taageersan Sheekh Aadan Madoobe.
Ciidamada AMISOM oo gudaha xarunta ku sugnaa ayaa isku gadaamay halka uu fadhiyay guddoomiyaha baarlamaanka si ay ammaankiisa u sugaan, iyadoo kulanka aysan kasoo qaybgelin Madaxweyne Sheekh Shariif iyo Ra'iisul wasaarihiisa.
Xarunta Golaha Shacabka ayaa waxaa ku dhacay dhowr madfac iyadoo aan la ogeyn khasaaraha ay geysteen, waxaana kulanka uu ugu dambeyn ku gabgaboobay muran iyo buuq iyadoo xildhibaannadii kasoo horjeeday guddoonka ay goobta isaga baxeen.