Duqeymo Muqdisho ku dhexmaray Dowladda Soomaaliya iyo Xoogagga hubeysan oo sababay khasaarooyin kala duwan

Axad, May 16, 2010 (HOL) − Ugu yaraan 20-qof ayaa ku dhintay 30-qof oo kalena waxay ku dhaawacmeen duqeymo ay maanta oo Axad ah Muqdisho ku dhexmaray Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM oo isku dhinac ah iyo xoogagga kasoo horjeeda.

Duqeymahan ayaa waxay ka dhasheen Weerar madaafiic ah oo ay xoogagga ka horjeeda Dowladda ku qaadeen xarunta Golaha Shacabka oo uu ka furmayay shirkii baarlamaanka Soomaaliya.

Madaafiicda ayaa intooda badan ku dhacay gudaha Suuqa weyn ee Bakaaraha oo maanta ahaa mid howlihiisa ay hakad ku jireen cabsi laga qabay duqeymaha awgood, waxayse waxyeello ku gaartay suuqa dad badan oo shacab ah.

"Madfac kusoo dhacay xaafaddeena waxaa ku dhintay 8-qof, 12-qof oo kalena way ku dhaawacmeen" ayuu yiri goobjooge ku sugan xaafadda Kaaso-bobolaare ee degmada Hodan, halkaasoo ay ku dhaceen tiro Madaafiic ah.

Sidoo kale 7-qof ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen goob shaaha lagu cabo oo ku taalla suuqa Bakaaraha, kaddib markii ay laba madfac oo isdabajoog ah ku dhaceen, waxaana sidoo kale gubtay afar bakhaar oo ay ku dhaceen madaafiic.

Degmada Xamarjadiid ayaa ka mid ah degmooyinka ay khasaaraha dhimasho iyo midda dhaawac ka dhasheen, halkaasoo ay ku dhaceen tiro madaafiic ah oo ka mid ahaa kuwii ay tuurayeen ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM.

Madaxda gaadiidka gurmadka deg-degga ah ee Muqdisho ayaa sheegay inay qaadeen 30-qof oo dhaawacyo kala duwan qaba, isuguna jiray qaybaha bulshada, iyagoo gaarsiiyay Isbitaallada Muqdisho qaarkood.

Tiro madaafiic ah ayaa sidoo kale ku dhacay degmooyinka ku jira gacanta Dowladda iyadoo ay ku dhaawacmeen laba qof inta la ogyahay, waxaana madaafiic ku dhacay garaash ku yaalla degmada Xamarjajab uu sababay burbur gaadiid.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

[email protected] 
Muqdisho, Soomaaliya