Sabti, Agoosto 21, 2010 (HOL) - Waxaa sare u kac xoogan laga dareemaya maciishada qaar katisan jaziiradaha galbeed ee gobolka j/hoose kadib markii ay da'een roobab lixaad leh oo hakad geliyay gaadiidkii raashiinka ganacsi geyn jiray qaar katirsan jaziiradahaasi.
Max'ed Cismaan Daahir oo kamid ah ganacstada jaziirada Kuda oo ay HOL la xiriirtay ayaa sheegay in maciishada raashiinka jaziiradaasi ay cirka isku shareertay kadib markii ay joogsadeen gaadiidkii raashiinka ganacsi geyn jiray jaziiradaasi, isagoona intaasi ku daray in aysan hadeer shaqeynin doomaha yar yar ee laashashka loo yaqaan kuwaa oo shixnadaha ganacsi geyn jiray jaziiradaha maadaama lagu gudo jiro xilliga badxiranka islamarkaasina ay dabeylo xoogan ka jiraan xeebaha gobolka J/hoose.
Waxaa sidoo kale sicir barar kan lamid ah laga dareemayaa jaziiradaha Kooyaame, Chula, Chawai iyo Raamkaambooni.
Sicir bararka laga soo sheegayo jaziiradaha ku yaal galbeedka gobolka J/hoose ayaa kusoo beegmaya iyadoo lagu gudo jiro xilliga badxiran oo ay aalaaba istaagaan dhaqdhaqaaqa dhinaca badda ah ee gobolka J/hoose.
Xasan Nuur, Hiiraan Online[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya