"Kulankaan wuxuu ahaa mid lagu dhameystirayay heshiiskii ay horay u wada gaareen dowladda KMG ah iyo Ahlusunna Waljamaaca, waxaana lagu heshiiyay in la dhameystiro qodobbadii harsanaa ee heshiiskaas," ayuu yiri wasiirka difaaca DKMG ah Abuukar Cabdi Cismaan (Mardaadi) oo u warramayay BBC-da.
Abuukar Mardaadi, wuxuu sheegay in sidoo kale kulanka looga hadlay sidii ay labada dhinac isaga kaashan lahaayeen maamul u sameynta deegaannada ay qabsadaan, wuxuuse ka gaabsaday inay dagaallo qaadayaan iyo in kale.
Shirkan oo aan la sheegin cidda soo qabanqaabisay ayaa waxaa dhanka DKMG ah uga qaybgalaya shan wasiir oo ay ka mid yihiin: Wasiirka Ammaanka, wasiirka Gaashaandhigga, wasiirka Lacgta iyo kuwo kale, halka Ahlusunna ay matalayaan guddoomiyaha golaha Fulinta Sheekh Maxmaed Yuusuf Xeefow, Col. Barre Hiiraale, Ibraahim Kiish-bur iyo xubno kale.
Waiirka gaashaandhigga Soomaaliya oo wax laga weydiiyay in shirkan uu yahay sidii dagaal loogu qaadi lahaa goobaha ay Xarrakatul Shabaab ka taliso ayaa sheegay in aan taas looga hadlin, balse la isku soo qaaday oo kaliya.
Ugu dambeyn Abuukar Mardaadi oo la weydiiyay halka ay ku dambeeyeen ciidammo loogu tababaray dowladda Soomaaliya dalka Kenya oo uu khilaaf ka taagnaa halka la geyn doono ayaa sheegay inay weli joogaan dalka Kenya, dhawaanna la howlgelin doono.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya