Maamulka gobolka Shabeellada dhexe ee Xarrakatul Shabaab oo ku baaqay in laga qaybgalo jihaadka

Sabti, August 21, 2010 (HOL) − Maamulka Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin ee gobolka Shabeellada dhexe ayaa ugu baaqay shacabka degmooyinka gobolkaas ku nool inay ka qaybgalaan dagaallada lagula jiro ciidamada AMISOM iyo kuwa DKMG ah.

"Shacabka gobolka waxaa looga baahan yahay inay isku diyaarinayaan sidii ay uga qaybgeli lahaayeen dagaallada jihaadka ee lagula jiro ciidammada AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya," ayuu yiri sarkaal ka tisran maamulka gobolkaas oo lagu magacaabo Sheekh Numcaan.

Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin ayaa dadka ku nool gobollada koonfureed ee ay gacanta ku hayso ugu baaqay inay dagaaladda ka socda dalka ka qaybgalaan, iyadoo gobolka Shabeellada hoose uu ahaa gobolkii ugu dambeeyay oo baaqan oo kale laga jeediyo.

Maamulka Shabeellada dhexe ayaa sheegay in dadka ku nool gobolka ay waajib ku tahay inay jihaadka ka qaybgalaan, si ay u difaacaan diinta iyo Muslimiinta ku nool guud ahaan Soomaaliya.

Inkastoo aanu jirin qof rayid ah oo ka hadlay arrintaan, ayaa haddana dadku waxay sheegeen in la qiyaar-geliyay oo aan la sheegin tiro looga baahan yahay inay ku daraan ciidamada Xarrakatul Shabaab ee dagaallada ku jira.

Hadalka Xarrakada ayaa imaanaya iyadoo heshiis Addis Ababa ku dhexmaray ay ku yeesheen Ahlusunna Waljamaaca iyo dowladda Soomaaliya ay ku gaareen inay xoojiyaan dagaallada ay kula jiraan Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya