Sabti, August 21, 2010 (HOL) − C/casiis Nuur Cilmi ayaa maanta mar kale ku guulaystay in uu noqdo duqa degmada Garowe ,ka dib doorasho ka dhacday hoolka shirarka ee degmada oo ay ka soo qayb galeen xubnaha golaha deegaanka.
Waxaa uu helay duqa 23 ka mid ah codadka xildhibaanada golaha deegaanka ,halka xildhibaan la tartamayay uu helay labo cod oo kaliya ,waxaana taasi ay ka dhigantahay in uu mar labaad noqdo duqa caasimadda
ku xigeenka duqa waxaa loo doortay C/ladiif Cumar Yare oo keligiis xilka isku soo taagay,waxaana doorashadii maanta ka soo qayb galay masuuliyiin ka tirsan dowlada,si ay goob joog uga noqdaan sida ay doorashadu u dhacaysay.
"Waxaan aad ugu faraxsanahay in mar labaad xilkaan la ii doorto,dhaliilaha qaar ee jirana wax badan ayaan ka qaban doonaa" ayuu yiri C/casiis mar uu ka hadlayay munaasbadii maanta
Wasiirka arimaha gudaha Puntland C/laahi Jaamac (Ilkajiir ) oo ka hadlay doorashadii maanta ayaa sheegay in uu ku faraxsanyahay sida ay wax u dhaceen ,waxaana uu ku baaqay in maamulka cusub lala shaqeeyo
Ugu danbayntii maamulkan cusub ayaa waxaa hortaala shaqo badan oo la xiriirta wax ka qabashada cabashooyin badan oo la xiriita dhanka amniga iyo wadooyinka
Faisel Maxamed Hassan,Hiiraan Online
[email protected]
Boosaaso,Soomaaliya