Xukuumadda Itoobiya oo sheegtay inay dhawaan heshiis la saxiixanayso jabahadda ONLF

Sabti, August 21, 2010 (HOL) − Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in bisha Oktoobar ee sannadkaan ay heshiis la saxiixanayso Jabhadda ONLF oo tan iyo 1984-kii ay ku dagaalamayeen gobolka ay Soomaalidu ee dalka Itoobiya, sida uu wargeyska Sudan Tribune maanta daabacay.

"Heshiiska nabadeed waxaan rajeynaynaa in ugu dambeyn la kala saxiixdo bisha Oktoobar ee soo socota," ayuu yiri Abay Tsehaye oo dhinaca ammaanka qaranka kala taliyaha Ra'iisul wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi.

Mr. Abay wuxuu sheegay in ku dhawaad 20-sarkaal oo ka tirsan ONLF ay kulammo la qaateen, kuwaasoo qeexay sida ay diyaarka ugu yihiin inay heshiis la saxiixdaan dowladda Itoobiya, ayna tixgeliyaan dastuurka dalka u dagsan.

Bishii lasoo dhaafay ayay dowladda Itoobiya iyo jabahadda xoreynta Somali galbeed (UWSLF) oo u dagaalami jirtay madaxbannaanida deegaanka Soomaalida Itoobiya waxay kala saxiixdeen heshiis, kaasoo ay mas'uuliyiin sarsare labada dhinac u kala saxiixeen.

"Dowladdu waxay bixinaysaa wax walba oo lagu horumarin karo nabad ka dhalata deegaanka Soomaalida ee Itoobiya, iyadoo u maraysa saraakiisha ay heshiiska la saxiixanayso si gobolkaas looga dhaliyo nabad waarta," ayuu mar kale yiri Tsehaye.

Saraakiil ka tirsan ONLF oo uu sheegay wargeyska Sudan Tribune inuu ka helay warqad ayaa kasoo horjeestay heshiiska ay sheegtay Itoobiya in la kala saxiixanayo bisha Oktoobar ee sannadkan.

Jabahdda ONLF ayaa horay u sheegtay dilka 74-qof oo lagu dilay deegaanka ay Soomaalidu dagto ee dalka Itoobiya, kuwaasoo sagaal qof oo ka mid ah ay ahaayeen Shiineys, halka 65-qof ee kalena ay ahaayeen Itoobiyaan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya