Qarax xalay ka dhacay Muqdisho iyo Madaafiic lagu duqeeyay degmooyinka waqooyiga Muqdisho

Sabti, August 21, 2010 (HOL) − Qarax weyn oo sababay dhimashada hal qof oo la sheegay inuu ka mid ahaa koox dhigaysay miino ayaa xalay gallinkii dambe ka dhacay magaalada Muqdisho, iyadoo isla xalay ay ciidamada AMISOM duqeymo culus u geysteen degmooyinka waqooyiga Muqdisho.

Qaraxa ayaa ka dhacay buundaada Ansalooti oo kala qaybisa degmooyinka Waaberi iyo Xamarjajab, waxaana taliska ciidamada booliiska Soomaaliya uu soo bandhigay maydka ruux ay sheegeen inuu ahaa qofkii ka dambeeyay miinada xiriddeeda.

"Ruuxa halkaan yaalla ee aad arkaysaa waa qofkii xirayay qaraxa oo la doonayay in lagu waxyeeleeyo shacabka iyo madaxda Soomaaliyeed, waxaana la hayaa laba qof oo kale oo qayb ka ahaa beerista miinadaan," ayuu yiri afhayeenka Booliiska gobolka Banaadir G/dhexe C/llaahi Xasan Bariise oo saxaafadda la hadlay saakay.

Afhayeenku wuxuu sheegay in miinada la doonayay in lagu xiro dusha sare ee buundada, markii ay qaraxdayna ay soo ridday ruuxan, isagoo sheegay in labada kale ee ay hayaan ay baaritaanno ku sameyn doonaan, wixii kasoo baxaya u soo gudbin doonaan saxaafadda.

Ma jirto cidsheegatay inay mas'uul ka tahay miinadaas la doonayay in lagu xiro buudnada Ansalooti, iyadoo goobta uu yaallay maydka ay isugu soo baxeen dadweyne badan oo doonayay inay wax ka ogaadaan qaraxii xalay.

Dhanka kale, madaafiic laga tuurayay saldhigyada AMISOM ee Muqdisho oo ku dhacayay demgooyinka waqooyiga Muqdisho ayaan la ogeyn khasaaraha ka dhashay, waxaana tani ay qayb tahay duqeymaha ka dhaca Muqdisho xilliyada habeenkii ah.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya