Mid ka mid ah gaadiidka ciidamada AMISOM ee Muqdisho ku sugan oo Qarax lala beegsaday

Sabti, August 21, 2010 (HOL) − Baabuur ka mid ah kolonyo ay wateen ciidamada AMISOM ee ku sugan Muqdisho ayaa maanta qarax lagula beegsaday agagaarka kulliyadii hore ee Jaalle Siyaad oo ay saldhig ku leeyihiin.

Qaraxan ayaa waxaa sheegtay Xarrakatul Shabaabul Mujahidiin, iyadoo aan la ogeyn khasaaraha kasoo gaartay ciidamada AMISOM, balse goobjoogayaal ayaa sheegay in qaraxa uu waxyeello u geystay baabuurkii uu haleelay.

"Waxaan arkay gaari ka mid ah kuwa AMISOM oo qaraxa uu waxyeello gaarsiiyay, ma garan karno cidda wax ku noqotay, waxaase qaruxu uu ahaa mid xoogan," ayuu yiri goobjooge dagan Kulliyadii ciidamada Axmed Gurey oo ku dhow halka qaraxa lagula eegtay gaariga.

Ciidamada AMISOM ayaa rasaas furay markii uu qaraxu haleelay gaarigooda, waxayna xireen jidka, mana jirto wax khasaare ah oo ay geysatay rasaastaas, iyadoo kooxihii ka dambeeyay ay ka baxsadeen goobta.

Gaadiidka qaraxa lagu weeraray ayaa ka baxay Jaamacaddii hore ee Gaheyr oo ay saldhig kale ku leeyihiin ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Burundi, waxayna ku socdeen saldhiggooda Kulliyada Jaalle Siyaad.

Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin ayaa weerarro toos ah ku qaada saldhigyada ay ciidamada AMISOM kaga sugan yihiin Muqdisho, waxaana dagaalka ay kula jiraan qayb ka ah qaraxyo ay waddooyinka u geliyaan, iyadoo saraakiisha AMISOM aysan ka hadlin qaraxaas.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya