Axad, September 20, 2009(HOL): Waxaa galinkii dambe ee galabta meydkiisa laga soo saaray Cabdi Axmed Jaamac barkad ku taalay guri uu ka dhisanayay xaafada hodan ee magaalada Garoowe ee xarunta u ah dowlada Soomaaliyeed ee Puntland.
Maydka ayaa waxaa la ogaaday markii dad halkaasi ka agdhawaa ay dareemeen urta baraagta ka soo baxaysa, waxaana markiiba goobtaasi gaaray ciidamada booliska gobolka,saxaafadda iyo dhaqtarka cusbitaalka weyn ee magaalada Garoowe Dr. Maxamed Xasan.
Dhaqtarka cusbitaalka Garoowe ayaa sharaxaad ka bixiyay qaabkii nabarrada uu u dhintay Cabdi Axmed Jaamac loogu dhiftay,waxa uuna sheegay in marxuumkaasi uu u dhintay nabar laga la helay madax oo ay lafuhu hoos ugu noqdeen,laakiin ay jiraan nabro kale oo caloosha iyo bowdada uga yaalla, kuwaas oo ah dhiig fariistay laakiin uusan kuwaas u dhiman ee laga yaabo nabarka madaxa ka gaaray in uu geeridiisa sababay.
Mar su'aal dhaqtarka laga waydiiyay inta maalmood ee laga yaabo in uu ku jiray maydkaasi barkadda ayuu sheegay in ay tahay labo maalin ilaa saddex maalmood.
Waxaa isna halkaasi tagay dhame Axmed Jaamac(Axmed dheere)oo ah taliyaha saldhigga magaalada Garowe oo isna tibaaxay in nabarrada ninkan la dilay ku yaalla ay yihiin kuwo faas loo isticmaalay oo si arxan darro ah loogu dilay, waxa uuna sheegay taliyuhu in ay ilaa iminka baarayaan falkan cidda geysatay.
Arintan ayaa ah mid aan hore looga baran gobalka, waxayna dadka goobtaasi tegay ku abuurtay wal wal iyo naxdin xoog leh markii ay arkeen maydka Cabdi Axmed Jaamac oo isbadalay oo muqaalkiisa aan la garanayn.
Maxamed Cali Royter
[email protected]
Garoowe, Soomaaliya