Sabti, September 19, 2009(HOL): Dad hor leh ayaa waxay ka barakacayaan dagaallada ka socda caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, iyadoo dagaalladii ugu dambeeyay ee Muqdisho ka dhacayna ay geysteen khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira oo soo gaaray dad rayid ah oo guryahooda iska joogay.
Dad badan ayaa maalmihii aynu ka soo gudubnay waxay ka barakacayeen guryahooda oo ku yaalla magaalada Muqdisho, gaar ahaan xaafado ka tirsan Degmooyinka Hodan, Howl-wadaag iyo Dayniile ee gobolka Banaadir.
Dadkani barakacayaasha cusub ah ayaa badankood waxay ku biireen dad horay Muqdisho uga barakacay oo haatan ku nool ilaa inta u dhaxeysa Magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye.
Tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay Ciidamada Itoobiya soo galeen Magaalada Muqdisho dabayaaqadii sanadkii 2006 ayaa waxaa magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ka barakacayay dad badan, kuwaasi oo ku noolaa degmooyinka gobolka Banaadir.
Xaaladda magaalada Muqdisho ayaa muddo 5 bilood ku dhow waxay tahay mid dagaal, waxaana gacan ku heynteeda ku dagaallamaya Dowladda Soomaaliya oo kaashaneysa Ciidamada Amisom iyo xoogag hubeysan oo ka soo horjeeda, ilaa iyo haatanna ma muuqato rajo laga qabo in ay dagaalladaas ku istaagaan si iskood ah.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya