Sabti, September 19, 2009(HOL): Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cali Axmed Jaamac Jengeli oo socdaal labo maalmood qaadatay ku tegay dalka Talyaaniga, isla markaana la kulmay dhiggiisa dalkaas Franco Frattini ayaa sheegay in dowladda Talyaaniga ay kaalmadii looga baahnaa u fidisay dowladda Soomaaliya.
Wasiirka oo u warramayay Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa sheegay in socdaalka uu ku tegay Talyaaniga uu ka dambeeyay martiqaad uu ka helay wasiirka arrimaha dibadda Talyaaniga.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cali Axmed Jaamac Jengeli ayaa sheegay in Dowladda Talyaaniga ay dhinaca amniga ka caawiso dowladda Soomaaliya, isla markaana ay ka mid tahay dowlad yar oo fuliyay ballanqaadkii dhaqaale ee Dowladda Soomaaliya loogu yaboohay Magaalada Brussels ee dalka Belgium.
“Dowladda Talyaaniga iyo dowlad kale oo yar ayaa fuliyay ballanqaadkii dhaqaale ee Dowladda Soomaaliya loogu sameeyay Belgium, kuwa kalena waan ka rajeyneynaa”ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cali Axmed Jaamac Jengeli.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya waxaa uu sheegay in ay Wasiirka Arrimaha Dibadda Talyaaniga Franco Frattini ay isla soo qaadeen sidii ay Dowladda Talyaaniga uga caawin lahayd Soomaaliya dhinacyada Caafimaadka, Waxbarashada iyo shaqo abuurista.
Taageerada ay Dowladda Talyaaniga siiso Dowladda Soomaaliya ayuu sheegay wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Cali Axmed Jaamac Jengli in ay maqsuud ka yihiin, wuxuuna caddeeyay in uu arrintaas uga mahadcelinayo Dowladda Talyaaniga.
Ugu dambeyntiina, Wasiirka oo la weydiiyay goorta ay Dowladda Talyaaniga ka furaneyso Muqdisho Safaaraddeedii ayaa sheegay in Dowladda Talyaaniga ay qorshaha arrintaas ku mashquulsan tahay.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya