Midowga Afrika oo sheegay in Dowladda Soomaaliya ay hub xoog leh u baahan tahay

Sabti, September 19, 2009(HOL): “Dowladda Soomaaliya ee uu reer galbeedka taageero waxay u baahan tahay caawimaad mileteri”sidaas waxaa yiri sarkaal sare oo ka tirsan Midowga Afrika.

“Waxay u baahan tahay hub ka awood badan midka ay haatan heysato dowladda Soomaaliya. Annaga haddii aan daba galno Xoogagga Al-Shabaab waxaan awooddooda ku burburin karnaa waqti kooban”ayuu yiri Nicolas Bwakira oo Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya.

Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerar ismiidaamin ah oo Khamiistii lagu qaaday saldhigga ugu weyn ee ay Ciidamada Amisom ku leeyihiin Magaalada Muqdisho, waxayna weerarkaas ku tilmaantay mid aargoosi ah.

Danjire Bwakira waxaa uu sheegay in dowladaha daneynaya in ay ka qeybqaataan howlgalka nabad soo celinta Soomaaliya in ay ka guuleystaan walaaca nabad la’aaneed ee ka jira Soomaaliya.

“Nabad ilaaliyayaasha uma tegin Soomaaliya in ay kubad ciyaaraan ama ay xeebta aadaan”ayuu yiri Danjire Nicolas Bwakira oo hadalkiisan uu u muuqday mid uu ka dambeeyeen qaraxyadii ismiidaaminta ahaa ee Khamiistii lala beegsaday ciidamada Amisom ee ku sugan Magaalada Muqdisho, kuwaasi oo sababay dhimashada 21 ruux oo u badnaa ciidamada Amisom.

Saraakiisha Ciidamada Uganda ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan howlgallada nabad ilaalinta ah ee ay u joogaan Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho, waxayna caddeeyeen in uusan waxba u dhimi doonin weerarkii lagu soo qaaday. Fariisinkii qaraxyada lagu weeraray ayaa waxaa deganaa Ciidamada Uganda.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya