Sabti, September 19, 2009(HOL): Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ay baareyso warar sheegayay in gaadiid u shaqeynayay UNka lagu qarxiyay fariisin ay Ciidamada Amisom ku leeyihiin Dugsigii tababarka Xalane ee Magaalada Muqdisho.
Weerar is-miidaamin ah oo la sheegay in lagu fuliyay gaadiid ay ku taallay calaamadda UN-ka ayaa wuxuu geystay dhimashada 21 ruux, kuwaasi oo 17 ka mid ah ay ahaayeen askar ka tirsan Ciidamada Amisom, halka 4ta kalena ay ahaayeen dad shacab ah oo gargaar caafimaad u doontay isbitaal ku yaalla gudaha fariisinkaas la qarxiyay.
Dowladda Soomaaliya ayaa shalay sheegtay in lix gaari oo UN-ka horay looga dhacay la qorsheynayo in lagu fuliyo weerarro ismiidaamin ah, halka ay sheegtay in labo gaari oo dorraad lagu qarxiyay fariisin ay leeyihii ciidamada Amisom ay ahaayeen kuwo UN-ka horay looga dhacay.
“Waxaa jira gaadiid badan oo u shaqeeya UN-ka oo Soomaaliya ku sugan, kuwaasi oo loo isticmaalo mashaariic kala duwan”ayuu yiri Mark Bowden oo Qaramada Midoobay u qaabilsan isku xirka kaalmooyinka bani’aadannimo ee Soomaaliya.
Sarkaalkan u hadlay UN-ka wuxuu intaas ku daray in gaadiidka lagu qarxiyay Saldhigga Ciidamada Amisom uu ka imaan karay meelo kale amaba sida uu hadalka yiri waxay noqon karaan gaadiid horay ugu shaqeyn jiray Qaramada Midoobay.
Mark Bowden waxaa uu dhanka kale sheegay in weerarkii Khamiistii lagu qaaday fariisinka Ciidamada Amisom ee u dhow garoonka Diyaaradaha Muqdisho uusan waxba u dhimi doonin howlaha uu UNka ka wado Soomaaliya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya