Sabti, September 19, 2009(HOL): Weerarradii dhawaan lagu dilay saraakiil ka tirsanaa Al-Qaacidda oo ku kala sugnaa dalalka Soomaaliya, Indonesia iyo Pakistan ay dhaawac weyn u geysatay isballaarintii Al-Qaacidda.
Saraakiil sirdoon ah ayaa sheegay Jimcihii shalay ahaa in duqeyntii lagu dilay saraakiishaas ka tirsanaa Al-Qaacidda ay yareysay awooddii ay Al-qaacidda u lahayd in dagaalyahanno tababarto kaddibna ay meelo badan oo caalamka ah ay ka howlgalaan.
Dilkii Saleh Ali Saleh Nabhan oo Soomaaliya lagu dilay, Noradin Muhammed Top oo Indonesia lagu dilay iyo Baitullah Mehsud oo isna Pakistan lagu dilay ayaa dhamaantood waxay dharbaaxo ku yihiin Ururka Al-Qaacidda.
Sarkaal ka tirsan ciidamada la dagaallanka argagixisada Mareykanka oo hadlayay isagoo aan magaciisa sheegin sababo la xiriira isagoo aanan fasax u heysan in uu hadlo ayaa sheegay in dhimashada saraakiishaas ay dhaxbaaxo muddo dhow ah ku keentay kooxaha argagixisada.
Tan iyo markii uu bilowday sanadkan Ciidamada Mareykanka ayaa waxay dardar geliyeen weerarrada ka dhan ah maleeshiyooyinka xag-jirka ah oo ay ku jiraan kuwa ku sugan dalalka Pakistan iyo Somalia.
Agaasimaha Ciidamada Sirta Qaranka Mareykanka oo lagu magacaabo Dennis Blair ayaa sheegay in todobaadkan weerarradii ay qaadeen ciidamada mareykanka ay noqdeen kuwo suurtagal ah maxaa yeelay buu yiri waxaan Al-Qaacidda u leenahay faham weyn.
Ciidamada sirta ee Britain oo la shaqeynaya Ciidamada Mareykanka ayaa waxay dardar geliyeen tallaabooyinkooda ka dhanka ah argagixisada, waxayna qorteen saraakiil cusub, iyadoo taasina ay keentay in la ogaado qorshayaasha argagixiso ee ka dhanka ah Britain.
Weli waxaa xor ah hogaamiyayaasha ugu waa weyn Al-Qaacidda sida Osama Bin Laden iyo Ayman Al-Zawaahiri, waxaana weli sii socda weerarrada qaraxyada ah ee ay qaaddo Al-qaacidda laga soo bilaabo Asia ilaa Africa, iyadoo Al-Qaacidda iyo Taliban ay xiriirro la yeelanayaan Ururro madax bannaan.
Todobaadkan weerarro qaraxyo ah oo ay fuliyeen dad naftooda huray ayaa waxaa ku geeriyooday 21 ruux, kuwaasi oo 17 ruux oo ka mid ah ay ka tirsanaayeen ciidamada Amisom iyo 4 ruux oo rayid ah.
Weerarradaas ayay sheegtay Xarakada Al-Shabaab in loogu aargudayay Saleh Ali Saleh Nabhan oo la sheegay in ay Ciidamada Kumaadoosta Mareykanka ku dileen Koofurta Soomaaliya. Saleh Nabhan ayaa wuxuu ahaa hoggaamiye kUrur awood badan oo Al-shabaab lagu magacaabo.
Saleh Ali Saleh Nabhan oo Kenyan-Yemeni ahaa ayaa wuxuu lahaa khibrad dhinaca istaraatiijiyada, hubka iyo tababarrada ah, wuxuuna ka mid ahaa aas-aasayaashii Ururka Al-Shabaab oo jira wax ka yar toban sanadood.
Dilka Saleh Nabhan iyo dilkii horay loogu geystay Aden Hashi Ayrow oo Al-shabaab ka tirsanaa ayaa waxay caqabad ku noqon kartaa ku fiditaanka Al-qaacidda ee Afrika. Sidoo kalena dilkii Noradin Muhammed Top iyo Baitullah Mehsud ayaa isagana wuxuu dharbaaxo ku yahay Al-Qaacidda.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya