Hoggaamiyayaasha Saddexda Xisbi Siyaasi ee Somaliland oo maanta Warbixin ka horjeediyay Golaha Guurtida

Sabti, September 19, 2009(HOL): Hoggaamiyayaasha Axsaabta Siyaasadda Somaliland ayaa maanta warbixin ka horjeediyay fadhigii maanta ee Golaha Guurtida. Waxaanay ka hadleen aragtidooda ku wajahan muddo-kordhin loo sameeyo Madaxweyne Rayaale. Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe iyo Xoghayaha guud ee Xisbiga UDUB ayaa maanta hortegay Golaha Guurtida, isla markaana halkaa ka jeediyay Warbixin la xidhiidha waxa ka hirgelay wada-hadal Guurtidu filayeen inay isugu yimaadaan.

Masuuliyiintan oo ay weheliyanayeen Madaxda kale ee Xisbiyadoodu, ayaa Xoghayaha guud ee Xisbiga UDUB Jaamac Yaasiin Faarax oo Golaha hortiisa ka hadlay, ayaa eedayn u jeediyay Axsaabta Mucaaradka ah oo uu sheegay inay iyagu mar kasta ka baxaan Heshiisyada la galo, isla markaana wuxuu sheegay inay Axsaab ahaan heshiin waayeen. Sidaa darteed, loo baahan yahay in Guurtidu la wareegaan xal-raadinta khilaafaadka dalka. Waxaanu Guurtida u jeediyay hadal u muuqday inuu ku doonayo in xilka loogu kordhyo. “Waanu heshiin waynay, ee Guurtiyeey idinka ayaa awalba dalka badbaadin jiray ee qaata doorkiina, sidii aad horeba u qaadateen.” Ayuu yidhi Jaamac Yaasiin.

Sidoo kale, Guddoomiyaha KULMIYE Axmed-Siilaanyo, waxaanu sheegay in Xukuumaddu ka baxday Heshiis la galay. Waxaanu baaq u jeediyay Guurtida. “Heshiiskaas qodobadiisa waxa ka mid ah in aanay Guurtidu mar kale kordhinin, markaa waxaan leeyahay Heshiiskaas ha la fuliyo oo yaan mar kale wax kordhin ahi dhicin.” Ayuu yidhi Axmed-Siilaanyo. Waxaanu tilmaamay in aanay marnaba aqbalayn muddo-kordhin dambe oo loo sameeyo Xukuumadda Madaxweyne Rayaale.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali oo isna halkaa ka hadlay, ayaa sheegay in murankani soo taagnaa muddo dheer, isla markaana Xukuumadda Madaxweyne Rayaale ay ku guul-darraysatay inay Doorasho dalka ka qabato. Waxaanu Guurtida uga digay inay muddo-kordhin u sameeyaan. “Waxaanu idin leenahay Guurtiyeey ha ku degdegina Muddo-kordhin. Waayo, Xalka ayaa durkaya oo Ninkani (Rayaale) wuu iska seexanayaa oo wada-hadal diyaar uma ahaanayo haddii loo kordhiyo.” Ayuu yidhi Faysal. Waxaanu sheegay in Mucaarad ahaan xaq u leeyihiin Mudaharaad, balse uu Mudaharaadkaasi noqdo mid salmi ah. waxaanu halkaa ka sheegay lix qodob oo ay ka mid tahay in sida ugu dhaqsaha badan heshiis lagu gaadho.

Gebo-gebadii Guddoomiyaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa sheegay inay Shirguddoon ahaan ilaa beri soo dersayaan talada, isla markaana ay maalinta Salaasada ama Arbacada Golaha horkeenayaan wixii la soo go’aamiyo.

Barkhad M. Kaariye  Hiiraan Online
[email protected]
Hargeisa, Somaliland