Ururka Hayan Media oo shir looga hadlayay Horumarinta Warbaahinta Soomaaliya ku qabtay Magaalada Nairobi (DAAWO SAWIRRO)


Jimco, December 04, 2009(HOL): Shirkan oo ay ka soo qeybgaleen Saxafiyiin ku sugan Magaalada Nairobi iyo Xildhibaano ka tirsan Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa lagu qabtay Hotelka Barakat ee Magaalada Nairobi.

Shirkan wuxuu xambaarsanaa labo ujeeddo oo kala ah in loo baroor-diiqo dadkii ku geeriyooday qaraxii shalay ka dhacay Magaalada Muqdisho iyo in laga wada hadlo sida loo horumarinayo Warbaahinta Soomaaliya.


Guddoomiyaha Ururka Hayan Media Maxamed Cabdi Faarax Afgooye ayaa furitaankii shirka wuxuu ka sheegay in ujeedada ay Ururkan u aas-aaseen ay tahay sidii loo heli lahaa Warbaahin horumarsan oo xor ah, wuxuuna caddeeyay in Ururka Hayan Media aas-aaseen Wariyayaal dhowr ah oo ka hayaamay Dalka Soomaaliya.

Wuxuu sheegay Afgooye in waxyaabaha uu Ururkooda oo ka dhisan Dalka Holland uu hiigsanayo Mustaqbalka ay tahay sidii ay tababarro ugu furi lahaayeen warbaahinta Soomaaliyeed, si buu yiri markaas looga gudbo aqoon la’aanta heysata qaar ka mid ah Saxafiyiinta Soomaaliyeed.


Waxaa ka hadlay kulanka Cali Muuse Cabdi oo ka tirsan Wakaaladda Wararka AFP, wuxuuna sheegay in uu soo dhaweynayo Ururka ay sameeyeen Saxafiyiinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan Dalka Holland, wuxuuna tilmaamay in ay tahay markii ugu horreysay oo ay Saxafiyiin ka hayaamay Dalka Soomaaliya ay Urur Warbaahineed ka aas-aasaan dal ay iska dhiibeen.

Cali Muuse Cabdi waxaa uu u mahadceliyay Dowladda Holland oo uu sheegay in ay marka hore saxafiyiinta Ururka Hayan Media ay soo dhaweysay, kaddibna ay ka ogolaatay ina y Urur Warbaahineed aas-aasaan, isagoo xusay in Suxufiyiin badan oo dalka Soomaaliya ka cararay aysan la imaanin hal-abuurka ay la yimaadeen Saxafiyiinta ku bahoobay Ururka Hayan Media.

Waxaa uu sheegay Cali Muuse Cabdi in haddii aaney Saxafiyiintan la imaan lahayn Ururkan ay ka bixi lahaayeen masraxa Saxaafadda Soomaaliya, isla markaana ay qaban lahaayeen shaqo aaney waxba aqoonin oo aan xirfaddooda ahayn.


Waxaa isna kulan ka hadlay oo Ururka Hayan Media soo dhaweeyay Burhaan Axmed Daahir oo ku hadlayay Magaca Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee Nusoj iyo Ururka Suxufiyiinta Puntland. Burhan wuxuu sheegay in ay soo dhaweynayaan Ururka Hayan Media, isla markaana ay ku faraxsan yihiin in ay aas-aaseen Saxafiyiin ay sanad ama bilo ka hor Soomaaliya ama Kenya wada joogeen.

Mowliid Xaaji Cabdi oo isna ku hadlay Magaca Idaacadaha Soomaaliyeed ayaa isna sameynta Ururka Hayan Media soo dhaweeyay, wuxuuna carrabka ku dhuftay Mowliid in Wariyayaal badan oo Yurub iyo Waqooyiga Ameerika ku dhaqan aysan u suurtagelin in ay sameeyaan Urur warbaahineed, wuxuuna tilmaamay in tallaabada ay qaadeen Saxafiyiinta Soomaaliyeed ay tahay mid mudan in la soo dhaweeyo.


Mowliid Xaaji Cabdi wuxuu intaas kaddib ka hadlay dadkii shalay lagu dilay qarax ka dhacay magaalada Muqdisho, wuxuuna caddeeyay in ay wax laga xumaado tahay in la dilo dad aan waxba galabsan oo bulshada Soomaaliyeed indho u ahaa. Mowliid wuxuu sheegay in marka laga soo tago dadkii  badnaa ee Qaraxaas ku dhintay uu si weyn u yaqaanay mid ka mid ah labo wariye oo qaraxaas ku dhintay, kaasi oo ah Xasan Zubery Xaaji.

Waxaa uu sheegay Mowliid in Xasan ay Aabihiis oo wada shaqeeyeen mar uu horraantii sagaashamaadkii uu ka shaqeynayay Radio Muqdisho, Xasanna ay is-yaqaaneen. “Waxaa la ii sheegay Xasan uu hadda nolosha reerkooda gacanta ku hayay, kaddib markii aabihiis uu dhintay, sidoo kalena wariyaha kale ee Maxamed Amiin Aadan Cabdulle oo Shabelle ka shaqeynayay waxaa la ii sheegay in Aabihiis oo ka tirsanaa Naafada Xoogga Dalka Soomaaliyeed uu Madfac kula dhacay Isbitaal Martiini uu dhintay, halka hooyadiisna ay mar sii horesyay geeriyootay”ayuu yiri Mowliid Xaaji Cabdi oo wax lagu xumaado ku tilmaamay in dad bulshada Soomaaliyeed waxgal u ah la dilo.


Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Cumar Dalxa, Xildhibaan Maxamed C/raxmaan Nadiif, Xildhibaan C/weli Shiikh Maxamed, iyo  Xildhibaan Aamino Maxamed Mursal  oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa kulanka hadlay, waxayna dhamaantood soo dhaweeyeen sameynta Ururka Hayan Media, waxayna kaddib si isku mid ah cambaareeyeen dadkii ka dambeeyay qarax ay dad badan ku dhinteen oo shalay ka dhacay Magaalada Muqdisho, iyagoo tacsi u diray qoysaskii iyo qaraabadii ay dadkaas ka geeriyoodeen.


Sahra Maxamuud Koronto oo ku hadashay magaca gabdhaha Suxufiyiinta ah ayaa iyaduna kulanka ka hadashay, waxayna ugu horreyn wax laga xumaado ku tilmaantay falkii shalay lagu dilay dad badan oo bulshada Soomaaliyeed waxgal u ahaa, waxayna xustay in ay shacabka Soomaaliyeed cambaareynayaan dadkii falkaas qaraxa ah ka dambeeyay. Dhanka kalena waxay soo dhaweysay Sahra Koronto aas-aasidda Ururka Hayan Media ee fadhigiisu yahay Dalka Holland.

Guddoomiyaha Saxafiyiinta Soomaaliyeed ee Dibadda ku nool Maxamed Cabdullaahi Siidii ayaa isna kulan ka hadlay, wuxuuna soo dhaweynta Ururka Hayan Media kaddib uu sheegay in Suxufiyiinta Dibad-joogga ah ee uu guddoomiyaha u yahay ay duruufo kala duwan aawadood uga soo carareen dalka Soomaaliya, isagoo caddeeyay in ay ahaayeen wariyayaashii ugu horreeyay ee Soomaaliya ka soo cararay kaddib markii la dilay dad ay wada shaqeynayeen.

Maxamed Cabdullaahi Siidi waxaa uu intaas ku daray in ay ku faraxsan yihiin in ay u soo noqdaan Suxufiyiin ka tirsanaan jiray Wariyayaasha Dibad-joogga ah iyagoo Urur soo dhisay Urur xambaarsan magaca Warbaahinta Soomaaliyeed, wuxuuna carrabka ku dhuftay in Hayan Media uu yahay urur ay leeyihiin Saxafiyiinta Soomaaliyeed.


Ugu dambeyntiina, waxaa kulan soo xiray Cabdi Weli Ibraahim Garyare oo ka mid ah Mas’uuliyiinta Ururka Hayan Media, wuxuuna u mahadceliyay intii kulanka ka soo qeybgashay ee ka aqbashay casuumaddii ay u fidiyeen, wuxuuna carrabka ku dhuftay in ay kulan midkan ku xiga ay dhawaan ku qaban doonaan Dalka Holland.


Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]