Ciidamada Ammaanka ee Gobolka Sool oo soo bandhigay Waxyaabaha qarxa oo ay qabteen iyo Madaxii Sirdoonka ee Gobolkaas oo la xidhay

Jimco, 4 December 2009 (HOL)- Ciidamada Ammaanka ee Gobolka Sool, ayaa Magaalada Laascaanood ku soo bandhigay Miinooyin iyo waxyaabaha Qarxa oo ay sheegeen in ay la damacsanaa in loo adeegsado Qaraxyo la doonayay in la fuliyo. Waxaanay sheegeen in loo qabtay walxahaa loo xidh-xidhay ilaa lix qof oo uu ka mid yahay Taliyihii Sirdoonka gobolkaas.

Taliyeyaasha Ciidamada Qaranka, Booliska iyo hoggaanka Saadka ee Gobolka Sool oo madashii ban-dhigga Walxahan ka hadlay, ayaa sheegay in daba-galka iyo baadhista waxyaabahan ay bilaabeen 23-kii bishii November ee aynu ka soo gudubnay, isla markaana ay wadeen ilaa ay ka qabanayeen 1-dii bishan.  “Laba todobaad ayaanu daba soconay, waxaana ilaahay mahaddii aanu ku guulaysanay inaanu Magaalada Laascaanood gudaheeda ku soo qabano Miinooyinkan iyo waxyaabo la isku dardaray oo ah noocyada loo adeegsado qaraxyada." Sidaa waxa yidhi hoggaanka Saadka ee Gobolka Sool Faarax Cawaale, waxaanu intaasi ku daray "Arrintan ka hor dhici maayo oo waxa lagaga gun gaadhi doonaa baadhista kiiskan, hase ahaatee dadka aanu soo qabanay waxay isugu jiri doonaan kuwo ay wax ku caddaadaan iyo qaar aanu waxba ku waynaba."

Sidoo kale, Taliyaha Booliska gobolka Sool oo isaguna shirkaasi ka hadlay ayaa sheegay in ciidamada ammaanku ay dedaal ugu jiraan sidii ay uga hortagi lahaayeen wax kasta oo halis ku ah.

Dhinaca kale, Taliyihii Sirdoonka ee Gobolka Sool ayaa Ciidamada Ammaanku Xabsiga u taxaabeen, ka dib markii sida Wararku sheegayaan lala xidhiidhiyay Walxahan la qabtay. “Kollay baadhistii baa gashay oo socota, kelidiina maahee isaga iyo saddex nin oo kale ayaa maanta (shalay) la qabtay,” sidaa waxa yidhi Taliyaha qaybta Ciidanka Booliska ee gobolka Sool Maxamed Saleebaan Gooni, waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi, “Imika guddi heer qaran ah oo Caasimada laga soo diray baa iyaguna hadda gacanta nagula haya hawsha oo baadhista wada.”

Barkhad M. Kaariye  Hiiraan Online
[email protected]
Hargeisa, Somaliland