Jimco, December 04, 2009(HOL): Bartamaha Magaalada Qardho ee Gobolka Karkaar ayaa Saaka abaaro 7:00 Subaxnimo waxaa lagu dilay Wiil lagu magacaabo Cali Maxamed Cali (Calishabeele) da'diisana lagu sheegay 19 Sano jir ilaa 20, kaas oo marayay Nawaaxiga Mowlachalkaasi ku yaala, markaasi oo sida ay sheegayaan dad halkaasi ku sugan ay ragg 4 ah oo hubaysan ay rasaas huwiyeen.
Waxaa isna halkaasi uu dhawac ka soo gaaray nin ka soo jeeda Qoomiyada Oramada oo halkaasi marayay.
Ninka dhaawacmay ayaa markiiba waxaa loo la cararay Cusbataalka weyn ee magaaladaasi, halkaasi oo lagu dawaynayo, halka Wiilka la dilayna ay googtii lagu dilay ka qaadeen Qaraabadiisa oo markiiba ka warhelay iyo laamaha Amaanka oo goobtaasi gaaray.
Halka uu dilkaasi ka dhacay ayaa isla Saakaba waxaa gaaray Ciidamada Amaanka Gobolka oo baro kantarool ka samaystay bartamaha iyo xaafadaha magaalada Qardho, kuwaas oo baaritaan aan kala harlayn ku samaynayay dadka marayay wadooyinka magaaladaasi.
Waxaana la sheegayaa in ay arrintaasi ciidamada Ammaanku u sameeyeen sidii ay gacanta ugu soo dhigi lahaayeen 4-ta nin ee la sheegay in ay dileen Wiilkaasi da'da yar.
Ciidmadan ayaa sidoo kale waxa ay baro kaantarool ka dhigteen labada kantarool ee laga soo galo magaaladaasi oo kala ah kan aada Magaalada Boosaaso iyo kan isna ka yimaada Magaalada Caasumada u ah Puntland ee Garoowe.
Gudoomiyaha cusub ee dhaawaan uu Madaxwaynaha Dowladda Puntland C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole u magaacbay Gobolkaasi C/quraan Maxamed Aadan ayaa sheegay in ay wadaan dadaalo lagu soo qabanayo kuwa falka dilka ah halkaasi saaka ka gaystay oo uu sheegay in aan la garanayan waxa ay yihiin balse iminka baaritaano ay wadaan laamahana amaanku ku doonayaan in ay ku soo ogaadaan.
Dilka Saaka halkaasi ka dhacay ayaa waxa uu ku soo beegmayaa iyada oo maalmahan ay ka jireen dilal qorshaynsan halkaasi, kuwaasi oo ay ka danbeeyaan ragg afka soo duubtay oo aan haybtooda la garanayn, taas oo dhalisay in Magaalada Qardho ay Ciidamada amaanku ku soo rogaan bandow habeenkii ah, taniyo markii ay bilowdeen falalkaasi amni xumada beeraya.
Maxamed Cali Royter, Hiiraan Online
[email protected]
Garoowe, Soomaaliya